Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: caynaano
goobxaarasho  eeg goobxaaro. ld goobxaarad.
goobxaaro  U g.: hawl wax ka qabashadeed isu diyaarin.
goobyaal1  1. Geed dhuuban oo aan caleen lahayn oo mariid halis ah leh. 2. Qof aan tartammada ku guulaysan. 3. Warwareegidda la warwareego iyada oo wax ka sugayo. goobyaal2  Warwareegid iyado wax la sugayo. goobyaalid  eeg goobyaal².
goocaac  Meel dan la'aan u yuururid.
goocaacid  eeg goocaac.
good  1. Halaq midab guduud-xigeen iyo sun halis ah leh oo madaxa ka madow. 2. Nin ku caanbaxay ciyaar gaar ah.
good1  Maro; dhar; go'. goodaaddo  1. Xammaarato qorratada u eg laakiin ka weyn, oo sun halis ah leh oo jilfaha iyo godadka gasha. 2. Laandheyr; siriq.
goodali  Tol meyta xusaaya fadhiga uu jilib jilib u kala fadhiisto.
goodari  ld joodari.
goodasho  eeg goodo.
gooddi1  1. Haddidaad. 2. (-iyo, m.dh) Dacal; dhinac. gooddi2  U g.: hadal cabsigelin leh cid u jeedin. gooddin  ld gooddiyid.
gooddiyid  eeg gooddi². ld gooddin.
goodile  Joodari; furaash.
goodir  1. Ugaar weyn oo leh geeso dhaadheer oo marooqsan iyo diillimo dhinacyada kaga yaal. 2. G.ah: midab madow-xigeen ah oo geelu yeesho.
goodircad  Midab geel oo ah madow caddaan ku badan yahay.
goodirmadow  Midab geel oo ah caddaan madow ku badanyahay.
goodo  Roob da'aya soo dhowaasho.
goof1  1. Beer gabowday oo aan badar ka baxayn. 2. Ceel, webi, tog iwm oo biyihii ka gureen. 3. G. ah: god indhood oo ishii ka maqan. 4. G. ah: qof aan caqli badan lahayn. goof2  Wax, waxtarkiisi gabay noqosho (beer, ceel iwm). goofaadhi  Ubad xoolaad candho aan caano ku jirin nuugid. ld goofaari.
goofaadhiyid  eeg goofaadhi. ld goofaarin.
goofaari  ld goofaadhi.
goofaarin  ld goofaadhiyid.
goofid  eeg goof².
goofood  Nooc libaax badeedka ka mid ah.
page : 77 of 102
<< < 72 73 74 75 76 77 78 79 80 81 82 > >>

 

Exit mobile version