ihaano Hadal xun oo cid sharafteeda wax lagu yeelo, meelkadhac.
iib Kala gadashada laba wax ama ka badan la kala gato.
iibgee Wax meel lagu iibsado geyn.
iibgeyn eeg iibgee.
iibi Lacag badeeco ku beddelid.
iibin eeg iibi. ld iibis.
iibis ld iibin.
iibsad ld iibsasho.
iibsamid eeg iibsan¹.
iibsan (1) Wax la iibsaday noqosho.
iibsan (2) Wax la iibsaday ahaansho.
iibsanaan eeg iibsan². ld iibsa-naansho.
iibsanaansho ld iibsanaan.
iibsasho eeg iibso. ld iibsad, iibsi.
iibshe Qof wax iibiya.
iibsi ld iibsasho.
iibso Bedeeco lacag ku beddelesho.
iid (1) ld ciid¹.
iid (2) ld ciid².
iidaaman Wax iidaan loo yeelay ahaansho.
iidaamid eeg iidaan².
iidaamnaan eeg iidaaman. ld iidaamnaansho, idaannaan, idaannaan-sho.
iidaamnaansho ld iidaamnaan.
iidaan (1) Subag, caano, maraq iwm oo cuntada yaabisnimada looga ba'sho.
iidaan (2) Subag, caano, maraq iwm cunno yaabis ah ku darid.
iidaannaan ld iidaamnaan.
iidaannaansho ld iidaamnaan.
iidheh Xayeysiis iyo ammaan dheerad ah oo laga sheego wax.
iidid ld ciidid.
iil (1) Meesha yar oo godka xabaasha dhinaceeda hoose ku taal oo qofka dhintay la dhigo.
<< < 772 773 774 775 776 777 778 779 780 781 782 > >>