Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: saddex-madaxle
iil (2) (iilay, iishay) Wax inyar weecin.
iilasho eeg iilo.
iilid eeg iil².
iillaagee Wax dhibaateyn, cid cawryid.
iillan Wax in yar la weeciyey ahaansho.
iillanaan eeg iillan. ld iillannaansho.
iillanaansho ld iillanaan.
iilo (iishay, iilatay) 1. U ii.: cid dhankeeda isu buurin. 2. Daciif noqosho. 3. Dhiibaato aan laga soo kaban karin la kulmid.
iimaan 1. Rumeysnaanta jiritaanka Ilaah, nabiyada, kutubta, malaa'igta iyo qiyaamaha. 2. Qanaaco. 3. (-nno, m.dh) Ugaas, Islaan.
iimaandarro Qanaaco la'aanta. ld iimaanxumo.
iimaansad ld iimaansasho.
iimaansasho eeg iimaanso. ld iimaansad, iimaansi.
iimaansi ld iimaansasho.
iimaanso Wax yar ku raali noqosho.
iimaanxumo ld iimaandarro.
iimaanyoog I. ah: qof wax kastoo la siiyo saluuga.
iimayn eeg iimee.
iimaysan Wax iin leh ahaansho (nafley).
iimaysnaan eeg iimaysan. ld iimaysnaansho.
iimaysnaansho ld iimaysnaan.
iimee Wax iin u yeelid.
iimoobid eeg iimow.
iimow Wax iin yeeshay noqosho.
iin (iimo, m.l) Ceeb ama wax kale oo qiimaha wax leeyihiin hoos u dhiga.
iin-cufaad (kiim.) Cufka u dhigma tamarta isku haysa bu'da atamka. Qiimaha tamartaas waxa lagu heli karaa adoo adeegsada isle'egta Anistan E = mc2 (taas o E = tamarta, m = cuf, c = xawaaraha ileyska). Cufkaasi waxa lagu helaa faraqa cufka bu'da iyo wadarta cufafka borootoonnada iyo niyuutaroon-nada.
ijaab Yeelid; maqlid; ajiibid, aqbalid.
ijaabid eeg ijaab.
ijaabo (dii.) Aqbalidda duco Ilaah loo jeediyo oo uu aqbalo.
ijaar (1) 1. Lacag laga helo guri baabuur iwm oo kireysan, kiro. 2. I. ah: guri, baabuur iwm oo dadka isticmaalaya lacag laga qaado. ld ajuuro, ijaaro¹.
ijaar (2) Guri, baabuur, iwm cidda isticmaalaysa lacag si joogto ah uga qaadid.
<< < 773 774 775 776 777 778 779 780 781 782 783 > >>

 

Exit mobile version