dhaayatiix Dh. ah: wax aad u qurxoon.
dhaayin Caws qoyan ku sii dambeeyo.
dhaayo Xubnaha aragga; indhaha.
dhab 1. Wax run ah oo kaftan iyo ciyaar ahayn; xaqiiq. 2. Xuddunta iyo lowyaha inta u dhexeysa (dad).
dhabaabacayn eeg dhabaabacee. ld dhabaabacays, dhabaabaco.
dhabaabacays ld dhabaabacayn.
dhabaabacee Hab dhabaabaco ah u ordid (geel).
dhabaabaco Hab geelu u ordo oo afarta addinba mar qaado. ld dhabaabacayn.
dhabaalayn eeg dhabaalee. ld dhabaalo.
dhabaalee 1. Dhabaale ku dhufasho. 2. Gubaabin.
dhabaalo ld dhabaalayn.
dhabaalyee Nafley canaanasho.
dhabaalyeyn eeg dhabaalyee. ld dhabaalyo.
dhabaalyo ld dhabaalyeyn.
dhabaandhaw1 1. Si aayar ah oo gacanta loogu garaaco carruurta marka la seexinayo. 2. Hadal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraahdo. ld dhabaandhebid. dhabaandhaw2 1. Ilmo la seexinayo, si tartiib ah oo aan kala go'lahayn gacanta ugu garaacid. 2. Haldal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraashdo. dhabaandhebid eeg dhabaandhaw². ld dhabaandhaw¹.
dhabab1 ld dhababid. dhabab2 Meel duleesha awdid. dhababan Meel duleesha wax la dhababay ahaansho.
dhababid eeg dhabab². ld dhabab¹.
dhababnaan eeg dhababan. ld dhababnaansho.
dhababnaansho ld dhababnaan.
dhabad ld dhabasho.
dhaban1 Wejiga labadiisa dhinac midkood. dhaban2 (xis.) Tiro laba u qaybsanta. dhaban3 Wax la dhabay ahaansho. dhabankoolis Geed yar oo buruq kulucsan leh.
dhabannaanayn eeg dhabannaanee.
dhabannaanee Qof dharbaaxo dhabnaha kala dhicid.
page : 81 of 218
<< < 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 > >>