Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
goosey1  ld goosaato¹. goosey2  ld goosato². goosgoos  1. Ereyo ama dood laba qof isdhafsato. 2. (riw.) Maadeys gaaban oo aan duluc keliya ka hadleyn ee arrima dhawr ah midba la soo bandhigo. 3. ld googgoos.
goosh1  1. Safar. 2. ld goshid. goosh2  Iskaga g.: bad, dhul, cir ku safrid. gooshid  eeg goosh². ld goos¹ (2).
goosi  ld goosasho.
goosin  Hormo xoolaad.
goosmid  eeg goosan².
gooso  1. (f.g) Wax, wax ka jarasho. 2. (f.g) Wax mutansasho. Tus. “Cali abaalmarintii la siiyey waa goostay”. 3. (f.g) Arrin fulinteed go'aansasho. Tus. “Caasha waxay goosatay in ay guursato.” 4. (f.mg) Cid baxsasho. Tus. “Cali waa goostay.”
gootow  G. ah: nin dhallin yar oo aan weli guursan; doob.
goox  Meel aan gabbaad lahayn oo dhaxan badan leh.
gooye  ld goosato¹.
gooyoogunto  Maro, badanaa hoos laga qaato oo aan toox lahayn.
gor  Dambar horaadka neefka rimman candhadiisa ku soo dhaca inta uusan dhalin ka hor.
goray  1.Gorayo lab. 2. G. ah: awr aan gulgulada soo ridi karin.
gordan  1. Wax madaxa midab ku leh ahaansho (neef riyo ah). 2. Wax qaarka hore madow ahaansho (neef ido ah).
gordanaan  eeg gordan. ld gordanaansho.
gordanaansho  ld gordanaan.
gorfayn  eeg gorfee. ld gorfays.
gorfays  ld gorfayn.
gorfe  Nooc ka mid ah gorgorka oo ka weyn guduriga.
gorfee  Arrin laga doodayey si fiican uga hadlid.
gorfi  Haan dhiil haruub, iwm hoore ka dhammayn.
gorfin  eeg gorfi. ld gorfis.
gorfis  ld gorfin.
gorgor  Nooc haadda hilib-kunoolka ah ka mid ah, jaadad badan u kala baxda, xoog badan oo duullimaad dheer.
gorgorad  ld googgaarad.
gorgorafuul  Gorgoro been ah oo beec lagu kordhiyo.
gorgori  Shay beec ah qiimihiisa cid weyddiin.
page : 81 of 102
<< < 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 > >>

 

Exit mobile version