hubanti Wax hubaal ah.
hubayn eeg hubee.
hubaysan1 1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata noqosho. 2. Cid arrad tiran noqosho. hubaysan2 1. Cid qalab lagu dagaalamo haysata ahaansho. 2. Cid arrad tiran ahaansho. hubaysmid eeg hubaysan¹.
hubaysnaan eeg hubaysan². ld hubaysnaansho.
hubaysnaansho ld hubaysnaan.
hubee 1. Cid qalab dagaal siin. 2. Cid dhar siin.
hubi Wax runtooda gaarid.
hubid eeg hub².
hubin eeg hubi.
hubiwaa Wax aan la hubin; shaki.
hubkadhigid1 Qaadidda cid hub laga qaado. hubkadhigid2 (siyaa.) Dhimid, ama joojinta isticmaalidda hubka. hubqaad 1. (-dyo, m.l) Fil lagu dagaal geli karo oo la gaaro. 2. Qaab dharka loo xirto.
hubqaadasho Diyaar garowga iyo qalab uruursiga cid dagaal geli rabta ay samayso. ld hubqaadid.
hubqaadid ld hubqaadasho.
hubsad ld hubsasho.
hubsasho eeg hubso. ld hubsad, hubsi, hubsiimo, hubsiino.
hubsi ld hubsasho.
hubsiimo U kuurgelidda wax xaqiiqdooda loo kuur galo. ld hubsasho.
hubsiino ld hubsasho.
hubso Wax xaqiiq-dooda ogaasho.
hud1 Xiidmo soo gala meel caloosha ka mid ah oo xuubkii ku dahaarnaa dillaacay. hud2 Dhar dillaacsan tolid. hud-hud 1. Shimbir yar oo dhoor, dabo dheer iyo midab qurxoon leh. 2. Qof dadka isku dira.
hudaanhutee 1. Godad isu daloolin. 2. Turaanturree.
hudaanhuteyn eeg hudaanhutee. ld hudaanhuteys.
hudaanhuteys ld hudaanhuteyn.
hudaanhuto 1. Godad dudumooyinku leeyihiin oo hoos isaga dal-daloola. 2 Nabar dhaawac ah oo aan hoos ka biskoon. 3. Turaanturro.
page : 82 of 93
<< < 77 78 79 80 81 82 83 84 85 86 87 > >>