qurunsasho eeg qurunso.
qurunso 1. Dugaagga qaar ka mid ah hilib qurun ka dhigasho. 2. Wax qarsasho.
qururumsad ld qurdudumsasho.
qururumsasho ld qurdudumsasho, qurjujubsasho.
qururumsi ld qurdudumsasho, qurjujubsad.
qururumso ld qurdudumso.
qurus ld qursi.
quruun Dadyow isku qarni noolaa.
quruurux Dhagax yaryar.
quruurux-bataax (jool.) Dhadhaab-lakabeed habe ah oo ka kooban xabiib bataax ah oo ay isu hayaan waxyaalo ay ka mid yihiin nuurad (calcium carbonate) ama suubaan (silca).
quruuruxi 1. Si isdabajoog ah u hadlid. 2. Quruurux wax ku xisaabid.
quruuruxin eeg quruuruxi. ld quruuruxis.
quruuruxis ld quruuruxin.
quruush eeg qarshi.
qurux Muuqaal ishu u bogto; bilic.
qurux-u-bogid 1. Waxay la xiriirtaa qiimeyn qurux iyo fan qurux u bogid. 2. (fals.) Qeyb ka mid ah barashada falasafada ee ku saabsan quruxda.
quruxsami 1. Bilicda ay wax leeyihiin. 2. ld quruxsanaan.
quruxsan Wax qurux leh ahaansho. ld qurxan, qurxoon.
quruxsanaan eeg quruxsan. ld quruxsami (2), quruxsanaansho; qurxanaan, qurxanaa.
quruxsanaansho ld quruxsanaan.
quruxsasho eeg quruxso.
quruxso Wax qurux u yeelasho.
qurwaa Nafley naf bixid.
qurwaayid eeg qurwaa.
qurxan ld quruxsan.
qurxanaan ld quruxsanaan.
qurxanaansho ld quruxsanaan.
qurxi Wax qurux u yeelid.
qurxin eeg qurxi.
qurxoon ld quruxsan.
page : 83 of 86
<< < 78 79 80 81 82 83 84 85 86 >