Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fanaajiin
jimbici Wax dhinac u leexin.
jimbicid eeg jimbac². ld jimbac¹ (2).
jimbicin eeg jimbici.
jimcabarqadle ld jimcobarqadle.
jimce ld jamce.
jimci 1. Si naxariis iyo turaal leh qof jirka ugu duugduugid. 2. Harag jilcin.
jimcin eeg jimci.
jimco ld jamce.
jimcobarqadle Xaflad weyn oo roobdoon ah oo lagu sameeyo siyaarada Sh. Yuusuf Al-Kowneyn. ld jimca-barqadle.
jimcoon Xilli wax aan dhibaato badan lahayn ahaansho.
jimcoonaan eeg jimcoon. ld jimcoonaansho.
jimcoonaansho ld jimcoonaan.
jimee Laba wax ama ka badan isla ekaysiin.
jimeysad ld jimeysasho.
jimeysan Wax laysla ekeysiiyey ahaansho (laba wax ama ka badan).
jimeysasho eeg jimeyso. ld jimeysad, jimeysi.
jimeysi ld jimeysasho.
jimeysnaan eeg jimeysan. ld jimeysnaansho.
jimeysnaansho ld jimeysnaan.
jimeyso Laba wax ama ka badan isla ekeysasho.
jimic 1. Naxariis; kaalmo; turaal; jixinjix. 2. Sidkiisa dhammaad ku dhowyahay (xoolo); habaasiyey.
jimicdarro Jimci la'aan; naxariisdarro.
jimicsad ld jimicsasho.
jimicsasho eeg jimicso. ld jimicsad, jimicsi.
jimicsi (1) ld jimicsasho.
jimicsi (2) 1. Oogo daashay ama curuqday oo la kala bixbixiyo. 2. Hab gaar ah oo loogu talaggalay in oogada, siiba muruqyada, lagu dhiso oo lagu adkeeyo.
jimicso Jimicsi samayn.
jimiimic (1) 1. Cod geelu sameeyo marka uu diyaarka u yahay in laliso. 2. Rabitaan oo doonis jacayl ku jiro.
jimiimic (2) 1. Geel jimiimic samayn. 2. Wax jacayl loo qabo samayntooda doonis.
jimiimicid eeg jimiimic².
<< < 847 848 849 850 851 852 853 854 855 856 857 > >>

 

Exit mobile version