kaalmo Gargaar ama caawimaad cid loo fidiyo.
kaalo Nin guursaday xoolaha la siiyo.
kaalori (fiis.) K. halbeeg. Xaddiga kulka ee loogu baahdo in uu heerkulka 1 garaam oo biyo ah kor u qaado 1° C (1° K). Halbeegga kaalori beryahan looma adeegsado xisaabinta fisikaad, waxana la qaataa Juul. 1 kaalori =4.1868 juul.
kaalsiyam (kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka II ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarog-saydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù
kaalsiyam haydarogsaydh eeg kaal-siyam.
kaalsiyam kaarboneyt eeg kaalsiyam.
kaalsiyam salfeyt eeg kaalsiyam.
kaambe Nafley bad ku nool ah oo leh jir qolof adag ku dahaarantahay iyo toban lugood, lana cuno.
kaambi Horay iyo gadaal si welwelsan ugu socosho.
kaambiyid eeg kaambi.
kaamil (1) K. ah: wax dhan.
kaamil (2) Wax kala dhiman dhameystirid. ld kammil.
kaamilan (1) Wax la kaamilay noqosho. ld kammilan¹.
kaamilan (2) Wax la kaamilay ahaansho. ld kammilan².
kaamilid eeg kaamil². ld kammilid.
kaamilmid eeg kaamilan¹. ld kam-milmid.
kaamilnaan eeg kaamilan². ld kaamilnaansho, kammilnaan, kammil-naansho.
kaamilnaansho ld kaamilnaan.
kaan 1. (u) Daloola ku yaal doonida miilkeeda dambe iyo madaxa shukaanta. 2. Kala k.: wax kala duwan.
kaanad Qori dheer oo masaxiisa ballaaran oo daloola shukaanta afkeeda kore oo fiiqan la gesho, madaxiisa kalena shukaanhayuhu gacanta ku hayo oo doonida ku duduwo.
kaankaansasho eeg kaankaanso. ld kaankaansi.
kaankaansi ld kaankaansasho.
kaankaanso U k.: wax fadhiya dhaqdhaqaaq yar sameyn.
kaar (1) 1. Xannuun sida holaca u kulul oo nabar ama meelbugtaa yeelato. 2. Waraaq yar oo afar gees ah oo wax lagu qorto. 3. ld kaarid.
kaar (2) Xanuun laxow badan dareemid.
kaarad Kiish timirta lagu guro, wareegsan oo qaada 20-25 kiilo.
kaarbogsilik-asiidh (kiim.) Nooc ka tirsan iskudhisyada orgaanigga ee naanaystooda guudtahay COOH. Kaarbog-silik asiidho badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhirta, duxda iyo saliiddana waxay ugu jiraan miistar ahaan. Sidaa awgeed kaarbogsilik asiidhada noocan ah waxa loo yaqaan asiidho duxeed.
kaarboohaydrayt (kiim.) Mid ka mid ah koox iskudhisyo orgaanigga ah oo ku salaysan astaanta guud ee cx (H2 O). Karbohaydraytyada ugu sahlani waxa weeye sonkorta (sakaraydhyo) oo ay ka mid yihiin gulukowsta iyo sukurowsta. Boolisa-karaydhyadu waa kaarboohaydraytyo culays molikiyuulladoodu weyn yahay oo kakan. Tusaale ahaan: istaarj, istaarj xayawaan iyo selilows.
kaarboon (kiim.) Curiyaha koowaad ururka IV ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Kaarboonku xubin caan ah ayuu kaga jiraa maatarka nool. Sidaa awgled, iskudhisyo kaarboon ah; sida kaarbooneytyada (jeeso iyo irdib) iyo shidaalada foosil (dhuxul-dhagax, saliid iyo neef) iyo shidaallada ayaa laga dheegaa walxaha ku aroora noole.
kaarboon hal-ogsaydh (kiim.) Neef sun ah, olosha, midablaawe ah oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku yar tahay (gubasho dhiman). Warshad ahaan, waxa lagu diyaariyaa ogsidhaynta kaarboon ama neefta dabiiciga ah, ama falgalka lagu magacaabo biyo-neefeed. Waa neef ah yareeye laxaad badan laguna isticmaalo cilmi-bireedka.
<< < 864 865 866 867 868 869 870 871 872 873 874 > >>