Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qarbidxid
kadlays ld kadlayn.
kadlaysii Si kadle ah u orodsiin (faras, dameer iwm).
kadlaysiin eeg kadlaysii.
kadle Orod aayar ah oo afar addin lagu ordo.
kadlee Si kadle ah u ordid.
kaduud (1) 1. Laalaabka saanta wejiga. 2. ld kaduudid.
kaduud (2) Saanta wejiga laalaabid. ld kuduud.
kaduudan (1) Wax la kaduuday noqosho.
kaduudan (2) Wax la kaduuday ahaansho. ld kuduudan.
kaduudi Saanta wejiga laalaab u yeelid. ld kuduudi.
kaduudid eeg kaduud². ld kaduud¹ (2), kuduud¹, kuduudid.
kaduudin eeg kaduudi. ld kuduudin.
kaduudmid eeg kaduudan¹.
kaduudnaan eeg kaduudan². ld kaduudnaansho, kuduudnaan, kuduud-naansho.
kaduudnaansho ld kaduudnaan.
kafaalad Dammaanad.
kafaalaqaad (1) Ballan.
kafaalaqaad (2) 1. Cid masuuliyadda nolosheeda qaadid. 2. Ka k.: cid dammiinasho.
kafaalaqaadid eeg kafaalaqaad².
kafaalasho eeg kafaalo².
kafaalo (1) 1. Daryeel. 2. Cid masuuliyad-deeda oo la qaado.
kafaalo (2) 1. Wax daryeelid. 2. Wax mas'uuliyaddooda qaadid.
kafaaraggud 1. (dii.) Bixinta la bixiyo kafaaro la galay. 2. (dii.) Wax kafaaro laga dhigi karo ama geli kara ama guda.
kafaaraggudasho eeg kafaaraggudo.
kafaaraggudo Kafaaro iska bixin.
kafaaro (dii.) Wax Ilaah dartii loo sameeyo ama loo baxsho sida soon, sadaqo iwm oo gef ama dembi la falay daboola.
kafad 1. Saxanka miisaanka. 2. Qoriga doonta lagu wado afka hore ee ballaaran. 3. Dembiisha weyn ee fooxa. ld kefed.
kafaf Wax qoyan in yar engegid.
kafafi Wax in yar qallajin.
kafafid eeg kafaf.
<< < 874 875 876 877 878 879 880 881 882 883 884 > >>

 

Exit mobile version