Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: waddoohiye
gugac1  ld guguc¹. gugac2  ld guguc². gugcid  eeg guguc².
guggumme  Balal godadka duddumooginka gala oo addimo leh. ld gungume.
guggundhaw  Koor hal carrab leh oo jalaqda ka weyn boodaantana ka yar oo geela loo xiro.
gugub  Cunto yar oo weelka lagu karinayo salkiisa ku dhegta; gubnood.
guguc1  Onkod. ld gugac¹. guguc2  Onkod sameyn. ld gugac². gugunto  Guunto; orgeysguur.
guguntoo  Neef dheddig oo tabsan abaahi waayid.
guguntood  eeg guguntoo.
guhaad  1. Baxaalli; dabci. 2. Caro, xanaaq.
guhaadi  1. Qof ka caraysiin. 2. Qof guubaabin.
guhaadin  eeg guhaadi. ld guhaadis.
guhaadis  ld guhaadin.
guho  1. Foolxumo. 2. Laabad; goolad.
gujee  Gujo ku dhufasho (candho xoolaad). ld guji.
gujeyn  eeg gujee. ld gujeys, gujin, gujis (2).
gujeys  ld gujeyn.
gujeysad  ld gujeysasho.
gujeysasho  eeg gujeyso. ld gujeysad, gujeysi.
gujeysi  Guro awr hoosin u yeelasho. ld gujeysasho.
gujeyso  1. Neef caano yar, caano ka raadsasho. 2. Candho maran caano ka raadsasho.
guji  ld gujee.
gujin  ld gujeyn.
gujis  1. Markab dagaal oo quusa. 2. ld gujeyn.
gujo  Gacanta oo duuban oo xoog loogu dhufto candho neef irmaan si loo maalo.
gulaal1  1. G. ah: awr aan doobbada soo ridi karin; gorayciil; doobbogoray. 2. G. ah: nin aan codkar ahayn. 3. ld gulaalid. gulaal2  Qodax, nabar iwm neef geel ah addin ka iimayn. gulaalan1  1. Wax doobbo ka soo dhici weyday noqosho (awr). 2. Wax iin lug ku leh noqosho (neef geel).
page : 89 of 102
<< < 84 85 86 87 88 89 90 91 92 93 94 > >>

 

Exit mobile version