kambani Hay'ad madax bannaan oo ku hawlan hawlo ganacsi, cilmibaaris iwm.
kambiyaale Lacag bangi laga deynsado oo muddo xaddidan lagu bixiyo oo ribisaarkeedu badan yahay.
kambrian-ka-horreeye (jool.) Waqtiga dhan ee qiyaas jiyooloji oo ka horeysay xilligii kambriyanka ee waagii 600 oo milyan oo sano ka hor.
kamiin 1. Cabbid horaadda xoolo ooman. 2. Rabitaan saa'id ah oo cunto iyo cabbitaan loo qabo.
kamiinasho eeg kamiino.
kamiinjebi Neef ooman biyo ku qaboobid.
kamiinjebin eeg kamiinjebi. ld kamiinjebis.
kamiinjebis ld kamiinjebin.
kamiino Neef aad u ooman biya cabid.
kamma' (1) Wax aan kas ama ula kac loo falin. ld kama'¹.
kamma' (2) Kas iyo ulakac la'aan wax u samayn. ld kama'².
kamma'id eeg kamma'². ld kama'id.
kammil ld kaamil².
kammilan (1) ld kaamilan¹.
kammilan (2) ld kaa-milan².
kammilid ld kaamild.
kammilmid ld kaamilmid.
kammilnaan ld kaamilnaan.
kammilnaansho ld kaamilnaan.
kammudbixi Ka k.: waran iwm wax ka dusin.
kammudbixin eeg kammudbixi. ld kammudbixis.
kammudbixis ld kammudbixin.
kamuun Nagaar laamo badan, ubaxiisuna guduud iyo caddaan yahay. Wuxuu leeyahay miro dhuudhuuban oo leh iniinyo udgoon oo cunnadana lagu darsado dawana laga dhigto.
kan (1) (kaman, m.l) Baruur fuusha kelyaha korkooda.
kan (2) (kuwan, w) Magacuyaal tilmaame oo lab, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado. Tus. “Waa kan ninka qoray buugga”. ld ka¹.
kan (3) Dibkabe tilmaame oo magac dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha u dhow lagu tilmaansado.
kanaaf K. ah: Dibi aan weli xoogaysan oo qiyaastii laba jir ah.
kanaal Laag ama far biyomareen ah oo beeraha lagu waraabiyo.
kandeela (fiis.) Summad: Cd. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee itaal iftiimeedka, ku qotoma jihada, dul madow oo ah 1/600,000 mitir laba jibbaaran, heerkulkuna le'egyahay heer barafowga balaatinam, cadaadiskuna yahay 101,325 niyuutan halkii mitir (n/m).
kaneeco (c.nafl.) Cayayaanka duula nooc ka mid ah oo qaarkeed ay keento cudurro xunxun oo ay duummada ka mid tahay; dhilmaanyo.
<< < 883 884 885 886 887 888 889 890 891 892 893 > >>