kebbi ld kabbi.
kebbin ld kabbin.
kebbis (1) 1. ld kabbis (-syo, m.dh) Lakab adag oo ka samaysan dhagax, dhoobo, qoryo ama wax kale oo lagu sameeyo dhismaha iwm laguna qurxiyo. 2. ld kebbin.
kebbis (2) Lakab adag oo ka samaysan dhagax, dhoobo, qoryo iwm. meel ku sameyn. ld kabbis².
kebbisan Wax la kabbisay ahaansho (dhisme iwm). ld kabbisan.
kebbisid eeg kebbis². ld kabbisid.
kebbisii ld kabbisii.
kebbisiin ld kabbisiin.
kebbisnaan eeg kebbisan. ld kabbis-naan, kabbisnaansho, kebbisnaansho.
kebbisnaansho ld kebbisnaan.
kebed Gogol badanaa mayrax ka samaysan oo dun midabyo leh lagu qurxiyo.
kebedgalool Nooc kebdaha ka mid ah oo laga sameeyo mayrax galool. ld gebedgalool.
kebriid ld kabriid.
kedi (1) Geed qodxeed miro la cuno leh oo qolof adag leh, layskuna daaweeyo; shillin; kulan; quud.
kedi (2) ld kadi.
kedin ld kadin².
kedis 1. Fal u dhaca si lama filaan ah. 2. Barnaamaj aqooneed oo lagu tartamo. 3. ld kadin².
kediso ld kadiso.
kedo 1. Wax si degdeg iyo lamafilaan ah ku dhaca; aan la iska jirin; lamafilaan. 2. (fk) Si kedis ah; islamarkiiba.
kee (1) kuwee, w Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “ Waa kee midka aaday xafiiska?.” .
kee (2) Dibkabe weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Wiilkee baa kula hadlay?”.
keeb Bir yar oo qaroofsan oo kolka farta dib loogu soo jiido, qarxiyaha ka wareegta, oo xabbaddu dhacdo; riishad. .
keed ld keeda².
keeda (1) (kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dhaddig) ay leedahay. Tus.”keedu wuxuu ka muuqdaa halkaas”. .
keeda (2) Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. ld keed.
keen (1) Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa ay ku jiraan. Tus. “Cali baa isugu keen yeeray”.
keen (2) 1. Wax meel durugsan yaal meel dhow u soo qaadid. 2. Cid wax u dhiibid. .
keen (3) ld keenna².
keenayn eeg keenee.
keenee Awr keeno gelin.
<< < 895 896 897 898 899 900 901 902 903 904 905 > >>