hurranaan ld hurnaan.
hurranaansho ld hurnaan.
hurre Midab madow-dhalaal ah.
hurrun Meel dhir badan; jiq.
hursan Wax la huriyey ahaansho (dab).
hursanaan eeg hursan. ld hursa-naansho.
hursanaansho ld hursanaan.
hurud Hurdo dhex gelid.
huruud 1. Sacfaraan. 2. Budo hurdi ah oo haweenku wejiga, gacmaha iyo lugaha ku qurxistaan.
huruudsad ld huruudsasho.
huruudsasho eeg huruudso. ld huruudsad.
huruudso Huruud marsasho.
huruuf1 1. Astaan wejiga laga muujiyo oo cid colaad loogu muujinayo. 2. ld huruufid. huruuf2 Cid colaad wejiga uga muujin. huruufid eeg huruuf². ld haruuf¹, haruufid, huruuf¹ (2).
huruushad Dhuxul noqosho (wax).
huruushadid eeg huruushad.
huruusho Wax dhuxul noqday.
huruushoo Dhuxul noqosho (wax dab ku gubtay).
huruushood eeg huruushoo.
huryo 1. Dawacada keeda dheddigga ah. 2. Shimbir yar oo ganfuur cas oo geela garbaha ka cunta; jirri.
hus Aammus!; shib dheh!; us.
huubo 1. Meel qatar ah. 2. God aan si fiican loo arki karin oo lagu dhici karo. 3. Gufarka weel salkiis ku hara.
huuf1 ld hiif¹. huuf2 ld hiif². huufid 1. ld hiifid. 2. Qof soo orday neef gurid.
huufsan Wax soo orday oo neeftuuraaya ahaansho.
huufsanaan eeg huufsan. ld huufsanaansho.
huufsanaansho ld huufsanaan.
huugaan Daruur.
page : 91 of 93
<< < 86 87 88 89 90 91 92 93 >