Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: haltoddobaadyo
siliqso Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talag-galay, dhinac ku leh hal dhibic, dhinaca kalena lix dhibcood. ld siniqso.
silis Silsilad yar oo dahab ah, qalin iwm ka samaysan oo dumarku luqun-ta ku xirtaan.
sillan ld silloon.
sillanaan ld silloonaan.
sillanaansho ld silloonaan.
silloon Wax dhaqan iyo dabci aan fiicnayn leh ahaansho. ld sillan.
silloonaan eeg silloon. ld sillaanaan, sillanaansho, silloonaansho.
silloonaansho ld silloonaan.
silqo Nooc kalluunka waaweyn ka mid ah oo midab hurdi ah leh.
silsil (1) 1. Gilgilidda badar iwm oo la kala soocayo weel ballaaran gudihiisa lagu gilgilo. 2. Biyo yar oo badar lagu mayro.
silsil (2) 1. Badar biyo ku dhaqid. 2. Wax rabsho ku samayn.
silsilad (1) 1. Xarig ka samaysan ilo ama garangarro bir ah ama wax kale oo middiiba mid ku gudajirto. 2. Taxane gabay ama maadees ama sheeko.
silsilad (2) (juqr.) Layn buuro is haysta, oo fig leh ama aan lahayn, buurahaas is haysta, meesha ugu sarraysa waa dhuubantahay; haddii jooggu uu gaabanyahay waxay silsilladdu ka kooban tahay gunburo is haysta halkii ay ka koobnaan lahayd buuro.
silsilad cunto (baay.) Beddelka tamarta ee laga keenay dhirta cagaaran, iyada oo maraysa dariiqad taxana ah oo noolayaasha mid waliba cunayo ka ka hooseeya ee silsiladda, isagana uu cunayo kan ka sarreeyaa. Haddaba dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, iyada oo iyagana ay cunaan hilbo cunayaasha kala duwani.
silsiladayn eeg silsiladee.
silsiladee Nafley silsilad ku xirid.
silsilid eeg silsil².
siman (1) 1. Laba wax ama ka badan, xag derejo, dhalasho, dherer iwm iskaga mid ah noqosho. 2. Dul aan meelo kala sarreeya lahayn noqosho. 3. Ku s.: wax meel ku eg oo aan dhaafsiisnayn noqosho. ld sinan¹.
siman (2) 1. Laba wax ama ka badan, xag darajo, dhalasho, dherer iwm iskaga mid ah ahaansho. 2. Dhul aan meelo kala sarreeya lahayn ahaansho. 3. Ku s.: wax meel ku eg oo aan dhaaf-siisanayn ahaansho. ld sinan².
simbayr 1. Doc; dhinac. 2. Boodidda nafley labada dhinac midkood u booddo. 3. Iin sinaha gasha oo dhutis keenta. ld sinbayr.
simbiir (1) Is-afgaranshawaa; iskhilaaf. 2. Firo.
simbiir (2) 1. dhinac u kufid. 2. Cid khilaafid.
simbiirid eeg simbiir².
simbiriirixad ld simbiriirixasho.
simbiriirixasho eeg simbiriirixo. ld simbiriirixad.
simbiriirixi Cid meel siman oo qoyaan ah ku kufin.
simbiriirixin eeg simbiriirixi.
simbiriirixo (1) 1. Kufidda lagu kufo meel siman oo qoyan. 2. Meel siman oo qoyan oo haddii lagu joogsado lagu kufo.
simbiriirixo (2) Cid meel siman oo qoyaan ah ku kufid.
simbiriirixoo Meel simbiriirixo ah ku kufid.
<< < 86 87 88 89 90 91 92 93 94 95 96 > >>

 

Exit mobile version