Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gadaalabbar
khaddifid ld khatifid.
khaddifsan ld kha-tifsan.
khaddifsanaan ld khatifsanaan.
khaddifsanaansho ld khatifsanaan.
khaddiib Ninka khudbadda jimcaha ka akhriya masaajidka.
khadyaan K. ah: qof dhibaato uusan wax ka qaban karin daashatay.
khafiif (1) 1. Kh. ah: wax culays yar; wax jurmi yar. 2. Qof maskaxdiisa wax u dhimanyihiin.
khafiif (2) 1. Qof maskaxda wax uga dhimman yihiin noqosho. 2. Ku kh.: wax jacayl awgii ku waalasho.
khafiifi Wax khafiif ka dhigid.
khafiifid eeg khafiif².
khafiifin eeg khafiifi. ld khafiifis.
khafiifis ld khafiifin.
khafiifnimo Khafiif ahaansho.
khafiifsan Wax maskaxdiisu wax u dhiman yahay ahaan-sho (qof).
khafiifsanaan eeg khafiifsan. ld khafiifsanaansho.
khafiifsanaansho ld khafiifsanaan.
khafiyad Garaangar yar oo wareegta oo leh meel xariggu galo, oo ceelka korkiisa suran, dalowgana lagu soo jiido.
khajal (1) Xishood; asluub; asturnaan. ld khajil¹.
khajal (2) Dareen naxdin iyo xishood leh muujin. ld khajil².
khajalid eeg khajal². ld khajilaad, khajilid.
khajil (1) ld khajal¹.
khajil (2) ld khajal².
khajilaad Dareen naxdin iyo xishood badan leh cid fagaara joogto ay muujiso. ld khajalid.
khajilid ld khajalid.
khal Waxyaalaha lagu saqraamo oo cinabka la khamiiriyay laga sameeyo oo kala go'a dhanaanna isu roga.
khalaawo ld khilaawo.
khalaq Wax abuurid (Eebbe).
khalfad 1. Dariishad. 2. Khaanad.
khaliif (1) 1. (dii.) (khulafaa, m.dh) Afartii madax oo Nebi Maxamed (n.k.h.a) ku xigtay (Abuubakar, Cumar, Cismaan iyo Cali) darajada iyo magaca loo yiqiin. 2. (-fyo, m.dh) Nin wakiil ka ah Shiikh xertiisu meelo badan joogto.
khaliif (2) (dii.) Khaliif ka dhigid.
<< < 900 901 902 903 904 905 906 907 908 909 910 > >>

 

Exit mobile version