kobocsan Ahaansho wax la kobciyey.
kobocsanaan eeg kobocsan. ld kobocsanaansho.
kobocsanaansho ld kobocsanaan.
kobocsasho eeg kobocso.
kobocso Ilmo xoolaad oo la doonaayo in la qasho cayilsasho.
kobojaa ld kabajaa.
kobolli ld kibilli.
kobon 3Geed dheer oo laan-laan u baxa oo leh caleemo balballaaran iyo miro macaan, lana cuno, oo cadcaddaada markay bislaadaan.
kodho Harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo loo hoos dhigo.
kodhon (baay.) Beys naytaroojin saddexan ah oo ku jira molikiyuulka DNA ama ka RNA da, taasi oo taxda amiino asiidh gaar ah xilliga samaynta borotiinka ku jira unugga.
kog Wax fidsanaa isku soo roorid.
kogid eeg kog.
kogsan Wax kogay ahaansho.
kogsanaan eeg kogsan. ld kogsa-naansho.
kogsanaansho ld kogsanaan.
koji Wax fidsan isku soo roorin.
kojin eeg koji.
kojiye Toddoba-maggaarto; teetano.
kol1 1. ld kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tus. “Cali kol baan arkay”. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa. kol2 K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa.” kolay Kiish ama qandi alaabta lagu rito.
kolayfiiq Weel qashinka lagu ururiyo.
kolaytis (daaw.) Halaamacoodka mindhicirka waaweyn. Astaamaha u badan waa: shuban mararka qaarkood ay la socdaan dhiig iyo axal iyo xanuun urkurjirtada hoose.
kolka eeg kol².
kolkii eeg kol².
kolkol1 Waqtiyo kala durugsan; marmar. kolkol2 Kolay lagu sameeyo in dharka duubayo. kolla Marnaba; marna.
kollajiin (c,nafl) Borotiin miiqsan oo ma milme ah lagana helo nudo isku xidhayaasha maqaarka, taharta iyo lafta.
kollaydh (baay.) Kollaydhada markii ugu horreysey waxa uu u qeexay Thomas Graham sannadkii 1861, walxo ahaan, sida istaarj ama jellatiin, kuwaas oo aan ka gudbi karin xuub.
page : 919 of 1584
<< < 914 915 916 917 918 919 920 921 922 923 924 > >>