Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: siin
koor3  1. Ciyaar turub (shanboollo), nin inuu wada qabto turubka oo dhan ballan qaadid. 2. Koorabixis adeegsasho. koorabixis  Bir dhuuban, daab xooggan leh oo weelasha lagu xordo.
kooraggooye  Nin fuulitaanka fardaha aad u yaqaan.
kooraggooyennimo  Kooraggooye ahaansho (nin).
kooraqore  Nin farsamaynta kooraha ku wanaagsan.
koorasaar  1. Midab madow oo neef ido ah dusha uga yaal. 2. Duudka fardaha meesha kooraha la saaro.
koorayn  eeg kooree.
koore  Shey badanaa idiin (harag la megdey) ka sameysan oo la saaro fardaha iyo baqlaha, si marka la fuulo fadhigu raaxo u yeesho.
kooree  Koore saarid (Faras, baqal).
koori  Koor yeerid.
koorib  Nooc ka mid ah jarta la ciyaaro.
koorid  eeg koor².
koorin  eeg koori.
koorkoox  ld kooxkoox.
koorniya  (c.nafl ) Dabool ilays gudbiye ah oo ku yaalla kubbadda isha xaggeeda hore. Waa isbedel socda oo ka yimaadda ilxaydha.
koorrib  Kuul madow oo quraarad ah.
koos  1. Dabaylaha lagu dhoofo oo ka yimaada koonfurgalbeed. 2. (-sas, m.l) Gobol; dhul.
koosaar1  Hilib, caano, subag iwm oo cuntada la cunayo lagu iidaanto. ld goosaar¹. koosaar2  Cunto iidaan ku darid. ld goosaar². koosaarad  ld goosaarad.
koosaaran  Wax la koosaaray ahaansho. ld goosaaran.
koosaarasho  eeg koosaaro. ld goosaarasho.
koosaarid  eeg koosaar². ld goosaarid.
koosaarnaan  eeg koosaaran. ld goosaarnaan, goosaarnaansho, koosaar-naansho.
koosaarnaansho  ld koosaarnaan.
koosaaro  Cunto koosaar ku darsasho. ld goosaaro.
koosayn  eeg koosee.
koose  Orodka ugu gaaban ee farduhu ku ordaan.
koosee  Si aayar ah u ordid (faras).
koostik-bootash  (kiim.) Kaaliyam haydarogsaydh, KOH.
page : 923 of 1584
<< < 918 919 920 921 922 923 924 925 926 927 928 > >>

 

Exit mobile version