Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: siin
kowsad  ld kowsasho.
kowsasho  eeg kowso. ld kowsad, kowsi.
kowsi  ld kowsasho.
kowso  Tiro bilaa-basho.
koxdin  Xiddig naafaha ka mid ah, oo u dhexeysa majinta iyo dirirdayga.
koyto  Dad yimid oo degey dhul aanay ku dhalan.
ku1  Magacuyaal layeele oo tilmaama qofka labaad ee kelida ah, oo lala hadlayo. ku2  (kuwo, w) Magacuyaal aan cayinnayn oo lab ah oo cid ama wax maqan tilmaamaya. Tus. “ Maanta ku aan isku fasal ahayn baan arkay”. ku³ h (nax.) Qurub la isticmaalo falka bidixdiisa: a) qurub la xiriira wax ama meel gudohooda fal uu ka dhacayo. Tus. “Biyaha weelka ayay ku jiraan”; b) qurub la xiriira wax ama qof uu fal taabanayo. Tus. “Kursigii ayuu ku fadhiyaa”, “Xarigga geedka ku xir!”; c) qurub la xiriira wax wax lagu qabsado. Tus. “Qalinka wax ku qor!”; d) ugu: qurubyo lagu cabbiro kalasarraynta. Tus. “Wiilasha asaga ayaa ugu wanaagsan”. ku dhalasho  (baay.) Xaalad qof ku dhasho sida badanna uu waalidka ka dhaxlay.
kub  Cagta iyo lowga xubinta u dhexeysa.
kubaddawaco  Mid ka mid ah afarta caloolood ee raamsatada oo leh laallaabyo ay ku shiiddo cuntada.
kubadhagaxoobid  eeg kubadha-gaxow².
kubadhagaxow1  Kolka calooshu qallasho oo saxarada imaatinkeedu yaraado ama dhib noqdo. kubadhagaxow2  Kubadhagaxow ku dhicid. kubbad  1. Shey kankoonsan oo ka sameysan cinjir, harag iwm oo neefi ku jirto looguna talaggalay in lagu ciyaaro; banooni. 2. Wax qaabka banooniga leh oo wareegsan.
kubbad-badh  (juqr.) Nuska dhulka, marka sallax dhexdiisa la matiyay uu labo gabal o isla eg u qaybiyo. Dhulka badanaa waxaa loo qaybiyaa kubbad badhka woqooyi iyo kubbad badhka koonfureed, kan hore waa badhka ushiisa ah ee dhulka badhaha woqooyi ka xiga, kan dambena waa midka koonfur ka xiga dhul badhaha.
kubbayn  eeg kubbee. ld kubbays.
kubbays  ld kubbayn.
kubbee  Wax diirran meel dhiig fadhiistay saarsaarid.
kubeerto  Go'weyn oo dhogor jilicsan laga sameeyo oo dugsoon oo sariiraha la saaro, xilliga dhaxantana la huwado; buste.
kubkucirroole  Qof dalal badan maray oo waayo-aragnimo leh.
kubkusiigaale  Qof socod dheer soo galay oo markaa ka soo istaagay.
kubo  Kuboddawaco.
kubram  (kiim.) Curiye kalaguur ah, midabkiisu yahay baroor-cas, summad-diisuna tahay Cu. Tiro atamkiisu waa 29, cuf atamkiisu waa 63.546. Bar dhalaashan-kiisu waa 1083.4° C.
kud1  Cudur dadka iyo xoolahaba ku dhaca oo badanaa aan laga kicin. kud2  1. (f.g) Gam-maan is abaahin. 2. (f.mg) Orod bootin ku bilaabid. kudaal1  1. Kudid. 2. Baxsi. kudaal2  1. Dhicidda xoolo fardo lagu dhaco. 2. Faras aan la lahayn lala cararo. kudaal3  k.Ka, k./u, k.: dhibbato awgeed meel uga cararid. kudaalid  eeg kudaal³.
page : 928 of 1584
<< < 923 924 925 926 927 928 929 930 931 932 933 > >>

 

Exit mobile version