kuud 1. Dhismo adag oo salkiisu wareegsanyahay ama afar gees yahay oo qurux ama in lagu dagaallamo loogu talaggalay. 2. Dhismo loogu talaggalay in korkiisa wax laga daawado, dhismayaasha kale oo dhanna ka dheer.
kuudud1 1. Fadhi foolxun; yoxoob, kamandhuur. 2. ld kuududid. kuudud2 Si foolxun u fadhiyid. ld kawdiid². kuududi Si foolxun u fariisin. ld kawdiidi.
kuududid eeg kuudud². ld kawdiid¹, kawdiidid, kuduud¹.
kuududin eeg kuududi. ld kawdiidin.
kuududiye ld kuududshe.
kuududshe Cudur dadka iyo duunyadaba ku dhaca oo addimadu soo laabmaan, dhaqdhaqaaqana u diida. ld kuududiye.
kuug 1. (-gag, m.l) Qof cuntada si wanaagsan u karin yaqaana; kooke. 2. K. ah: nooc tusbaxyada ka mid ah qurux badan oo aan qayirmin.
kuuki Bocoosha badda qaarkeed oo midabyo badan leh. ld kuukiyaan.
kuukiyaan ld kuuki.
kuul1 Iniinyo kulkulucsan oo dhalo iwm ka sameysan, dhexdana ka daloola oo inta dun lagu taxo qoorta haweenku ku xirtaan, si ay ugu xarragoodaan. kuul2 Khad madow indho marin. kuulad ld kuulasho.
kuulam (fiis.) Summad: C. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee saldanabka danab, waxana loo qeexaa saldanabka uu ku raro hal sekend qulqul danab hal ambiyeer ahi.
kuulan 1. Qof wax indhakuul marsadey ahaansho. 2. Indhaha agagaarkooda madow ku leh ahaansho (sac iwm).
kuulasho eeg kuulo. ld kuulad.
kuuli 1. K. ah: shaqaalaha dhisme ka shaqeeya oo an farsamayaqaan ahayn. 2. (u) Dad shaqaale ah.
kuulid eeg kuul².
kuulnaan eeg kuulan. ld kuulnaansho.
kuulnaansho ld kuulnaan.
kuulo Indhakuul marsasho.
kuumi Lacag sarrif ah oo qiimaheed yahay toban senti. ld kumi.
kuuni1 Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahan si buunbuunsan u eegto oo ku cawrido. kuuni2 Wax qiimo dheeraad ah leh oo cidi haysato, cid kale oo u baahani ku cawriyid. kuunkuun Ciyaar ay ilmuhu ciyaaraan.
kuunto Futo.
kuunyid eeg kuuni².
kuur1 Kaabi; ag; cimil. kuur2 Cid cabsiin, indho ku gubid.
page : 935 of 1584
<< < 930 931 932 933 934 935 936 937 938 939 940 > >>