kuud
(m.l) (-dad, m.l)

1. Dhismo adag oo salkiisu wareegsanyahay ama afar gees yahay oo qurux ama in lagu dagaallamo loogu talaggalay. 2. Dhismo loogu talaggalay in korkiisa wax laga daawado, dhismayaasha kale oo dhanna ka dheer.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kuud

yuurur [m.l]
1. Fadhi; yoxoob; kuudud. 2. ld yuururid.

yuurur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Muddo badan hawl la'aan meel fadhiyid; yoxoobid; kuududid.

kawdiid [m.l]
ld kuududid.

kawdiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
ld kuudud².

kawdiidi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
ld kuududi.

kawdiidid [m.dh]
ld kuududid.

kawdiidin [m.dh]
ld kuududin.

kuudud [m.l]
1. Fadhi foolxun; yoxoob, kamandhuur. 2. ld kuududid.

kuudud [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Si foolxun u fadhiyid. ld kawdiid².

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg