laactan2 ld laacdan². laad1 Lugta oo horay wax loogu dhufto; haraati. laad2 Lugta horay wax ugu haraatiyid. laadadyo Laqanyo, wadnabaab.
laadadyoo ld Laqanyoo.
laadadyood eeg laadadyoo.
laadasho eeg laado.
laadid eeg laad².
laado Kubbad darbaysasho (cid).
laaf1 (jool.) Dhadhaab dhalaashan ama magma oo ka soo burqanaysa dhulka gudihiisa oo soo gaarta dhulka dushiisa, taas oo ka soo baxda karaytarka folkaanaha ama jeex-jeex dhulka dushiisa ah. Dhulka dushiisa laafadu si dhaqso leh ayay ugu adkaataa marka loo eego dhaqsaha adkaashadeeda ee dhulka gudihiisa. laaf2 Ka l.: qof aan ka dhergin galmada qof kale. laafid eeg laaf².
laafyo Hore iyo gadaal u tuuridda gacmaha marka la soconayo iyadoo la isdhaafinayo.
laafyoo Iyadoo la iswaydaarinayo gacmaha marka la soconayo horay iyo gadaal u ridid.
laafyood eeg laafyoo.
laag1 1. Fac; asaag; mataan. 2. (m.l./dh) Meel biyo baxeen oo haadaan ah. laag2 1. (juqr.) Togagga iyo webiyadu meesha ay badda uga darmaan. 2. (bot.) Geedku meesha uu labada qaybood uga kala baxo; labalaako. ld lag (4). laag3 (juqr.) Laag webi ama durdur oo ku biirisa biyaheeda webi weyn, isagoo kaga biyo daraya labada dhinac ama bar marinkiisa ka mid ah. laagfaaf (juqr.) Farac ka baxa oo ka taga webiga intiisa mudan oo aan mar dambe ku soo noqon oo biyaha uu sido ku dara badda ama haro. Waxaa lagu isticmaalaa keliyada badan ee webiga afkiisa ee loo yaqaan delta ama marawaxad suubaaneed.
laagwebi (juqr.) Laan ama farac ku darmaya mid kale oo ka weyn oo webi.
laahi Qof aan wax xafidin; aan is dhibayn.
laahinnimo Laahi ahaansho.
laaji Qof waddankiisii ka cararay oo waddan kale jooga.
laakee Laako dhalid.
laakeyn eeg laakee.
laakiin (nax.) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tus. “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. ld walaakiin.
laako 1. Laangeed oo labo qaybood u kala baxdo. 2. Mataano. 3. Fallaar, dabbaanta ka yara ballaaran oo aan dhega lahayn.
laakoliit (jool.) Kuus weyn oo dhadhaabo shiileed ah oo ka hooseeya dhulka dushiisa, oo marka qaarkood gaaraysa baaxadda buur; waxaa sababa magmada oo soo dhex gasha qolofta dhulka iyadoon soo gaarin dusha, lakabyada dusha waxaa kor u xooda soo gelitaanka.
laaktays Insaym uu soo dhiijiyo mindhicirka yari, kaas oo kalkaaliya falgalka biyood ee maltows uu isugu beddelayo laba molikiyuul oo gulukows ah.
laal1 Ciyaar laba kooxood loo ciyaaro oo ku dhisan orod iyo isaseemid. ld lool¹.
page : 940 of 1584
<< < 935 936 937 938 939 940 941 942 943 944 945 > >>