lafsakaar (c.nafl.) Laf fidsan oo laabta bartankeeda ku taal oo karreesaha iyo feeraha kore isugu haysa.
lafti Dad nasab ah.
lag 1. Tiro aan cayinnayn oo ka badan kun. 2. Tiro dhan boqol kun. 3. Kun malyuun; bilyan. 4. ld laag².
lagamamaarmaan L. ah: wax aan la huri karin.
lagamamaarmaannimo Wax aan laga maarmin ahaansho.
lagarroone 1. Qof wax matare ah; nacas. 2. Ciniin.
lagas (fiis.) (halbeeg) Summad: Lx. halbeegga caalamiga (H.C.) ee iftiimida, le'egna iftiinka uu soo kaahiyo burqad iftiimeedka 1 luuman ah, kuna fidsan bed hal mitir labajibbaaran.
lagiiji Wax xarig ku dhuujin.
lagiijin eeg lagiiji. ld lagiijis.
lagiijis ld lagiijin.
lagu-dhasho (daaw.) Xaalad qaabdarro ama cudur oo qofka ku dhasho qaabdarrada lagu dhasho waxay isugu jiraan cudurrada la dhaxlo iyo kuwa bey'addu keento.
lagudhufte (xis.) Tirada ama tibixda lagu dhufto tiro ama tibix kale (dhufte) marka la sammeynayo iskudhufasho.
lahaan eeg leh. ld lahaansho.
lahaansho ld lahaan.
lahad ld lahasho.
lahan 1. Raad waxyeello leh, qarsoon oo uu reebo cudur iwm. 2. Ciil caro badan leh.
lahasho eeg laho. ld lahad.
lahaye Qof xabsi ku jiro oo aan maxkamadi xukumin.
lahjad Af guri.
laho 1. Laabta wax ka jecleysasho. 2. U l.: wax si aad ah u filasho.
lajo Aleel yaryar.
lakab1 1. In is-haysato oo fidsan oo isku qira ah; baal; dabool. 2. Ilig agtiisa ilig kale ka soo baxo. lakab2 (jool.) Ha badnaado hase yaraadee waa lakab gooni ah oo dhadhaabeed, oo ka mid ah rasooyinka dhulka oogadiisa. lakab-bayga maskax-horaad (c.nafl.) Lakab ka kooban walax ramaadi ah kaas oo sameeya lakabka sare ee siribaramka lafdhabarley badan. Waxay aad ugu horumarsan tahay naasleyda. Waxay masu'uul ka tahay xukunka iyo isugeynta dhaqdhaqaaqa iraadiga ah iyo dareennada aragga, maqalka, taabashada iwm. Waxa kale oo ay ka kooban tahay xarumo ku shuqul leh xusuusta, luqadda, fekerka iyo garaadka.
lal Wax duulid.
lali1 Fiidmeer. lali2 Wax duulin. lalid eeg lal.
lalin eeg lali². ld lalis.
lalis ld lalin.
page : 955 of 1584
<< < 950 951 952 953 954 955 956 957 958 959 960 > >>