li'i ld la'aan.
lib 1. Adkaashaha dagaal ama wax kale oo lagu adkaado; guul. 2. Abaal.
libaadshe Barkimooyin jilicsan oo kooraha laga hoos mariyo, si uusan kooruhu faraska u qaban.
libaas1 Celcelinta xoolo iwm lagu celiyo meel. libaas2 Xoolo iwm meel ku celcelin. libaasid eeg libaas².
libaax (c.nafl.) Bahal hilib ku nool ah, weyn, xoog badan leh, midabkiisuna cawl yahay, oo kiisa lab qaarka hore ku leeyahay shaash oo dadka iyo xoolahaba cuna, kiisa labina (aarka) qaarka hore ayuu ku yeeshaa dhogor dhaadheer oo farabbadan.
libaaxbadeed (c.nafl.) Nafley badda ku nool oo kalluunka qaabkiisa leh aadna uga weyn, oo dadka iyo kalluunka yaryar cunta.
libayn eeg libee.
libays (c.nafl.) Insaym ay dhiijiyaan ganaca iyo qanjidhada mindhicirka yar ee lafdharleyda, kaas oo dedejiya burburinta duxda loo beddelayo asiidh duxeed iyo gilisarool.
libaysad ld libaysasho.
libaysasho eeg libayso. ld libaysad, libaysi.
libaysi ld libaysasho.
libayso Lib helid.
libcas 1. Xiddigga afaraad ee daalallida una dhexeysa gudha iyo mareegadheer. 2. Nooc qodaxda ka mid ah.
libdhi Ku l.: wax meel wada gelin. Tus.: “Musbaarka derbiga ku libdhi”. ld libri.
libdhid eeg libir. ld librid.
libdhin eeg libdhi. ld librin.
libdho Qorrax, cadceed.
libee Cid guul siin.
libgad1 1. L. ah: qof jisaar ah. 2. ld libgadid. libgad2 Ka l.: qof ku jisaarid. libgadid eeg libgad². ld libgad¹ (2).
libin1 Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo woqooyiga-bari ee Keenya; qubleey, maanyo, manyiikay, waaray. libin2 Guul. libiq1 Dhoobo aad u qoyan. libiq2 L. ka sii: libiqsasho. libiqsad ld libiqsasho.
libiqsasho eeg libiqso. ld libiqsad, libiqsi.
libiqsi ld libiqsasho.
page : 965 of 1584
<< < 960 961 962 963 964 965 966 967 968 969 970 > >>