Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qaflad
libiqsi ld libiqsasho.
libiqso Si deg-deg ah il isugu qabasho una kala qaadid.
libir 1. Indho ka qarsoomid. 2. Ku l.: bidhaan hawd, jeex iwm ku qarsoomid.
libirsan Wax qarsoon ahaansho.
libirsanaan eeg libirsan. ld libirsanaansho.
libirsanaansho ld libirsanaan.
libkeen (1) ld niibkeen¹.
libkeen (2) ld niibkeen².
libkeenid ld niibkeenid.
libri ld libdhi.
librid ld libdhid.
librin ld libdhin.
licib Inta jeer oo turub la dheelo oo hal fooro ku dhacdo.
licig 1. Asal biyuhu ku yaryihiin. 2. L. ah: dareera ribban.
liciif (1) ld laciif¹.
liciif (2) ld laciif².
liciifi ld laciifi.
liciifin ld laciifin.
liciifis ld laciifin.
liciifis-habdhis-makiineed (fiis.) Yaaranta qotonka gariirka ayna ugu wacantahay tamarta ka lunta qaybaha gariiraya, kuna baxda ka-hortagga xoogagga isliska ama xoogagga caabbiga.
lid (1) 1. L. ah: wax aan wax kale la mid ahayn oo dabeecadda kaga duwan. Tus. “Mugdiga ayaa caddada lid ku ah.” 2. Cadaw ku ah. Tus.: “Cali ayaa lid ku ah Cabdi” ld liddi.
lid (2) (nax.) Labo erey oo mataana ah oo micnahoodu iska soo horjeedo sida: “dheer/gaab”, “weyn/yar” iwm; cagsi.
lid gufaaco (juqr.) Gobol cadaadiska gibilkiisu ka sarreeyo kan gobolka deriska la ah.
lid-jidh-dhaliye (baay.) Walax kasta oo uu jidhku u arko walax qalaad, sidaa darteed uu ka bixiyo jawaab is kabaxeed.
lid-jidh-gale (baay.) Borotiin ay soo saaraan qaar ka mid ah unugyada cad cadi (Limfosaytyo), waxaanay ugu jawaabaan soo galitaanka ay jidhka soo gelayaan walxo qalaad (Lid-jidh-dhaliye), si aanay wax dhibaato ah u geysan.
liddi ld lid¹.
lidlogardam (xis.) Fansaarka weydaarka u ah logardamka tiro ama tiro logardamkeedu yahay tiro la isa siiyey. Logardamka caadiga ah, lidlogga ee x waa 10x. Logardamkanabiir idlogga ee x waa ex. Lidlogardam waxa loosoo gaabiya “lidlog”.
lifaaq (1) 1. Dun yar oo cirbad dulkeed ku jirta. 2. Dokominti la dirayo warqad la raaciyo oo sii kaabaysa dulucda.
lifaaq (2) (nax.) Qurub lagu kaabo erey salkiisa, si uu u beddelo qiimaha iyo waxqabadka ereygaas; lifaaqyadu waxay u kala baxaan: “horkabe” (ereyga hortiisa ayuu ku lifaaqmaa), “dibkabe” (ereyga dhammaadkiisa) iyo “dhexkabe” (ereyga dhexdiisa).
lifaaq (3) 1. Cirbad dulkeed dun gelin. 2. Ku l.: dokominti la dirayo warqad sii raacin. 3. Maro iwm mid kale ku tolid.
<< < 961 962 963 964 965 966 967 968 969 970 971 > >>

 

Exit mobile version