Lifaaq

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-qyo, m.dh)

1. Dun yar oo cirbad dulkeed ku jirta. 2. Dokominti la dirayo warqad la raaciyo oo sii kaabaysa dulucda.

Lifaaq

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-qyo, m.dh)

(nax.) Qurub lagu kaabo erey salkiisa, si uu u beddelo qiimaha iyo waxqabadka ereygaas; lifaaqyadu waxay u kala baxaan: “horkabe” (ereyga hortiisa ayuu ku lifaaqmaa), “dibkabe” (ereyga dhammaadkiisa) iyo “dhexkabe” (ereyga dhexdiisa).

Lifaaq

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-qay, -qday)

1. Cirbad dulkeed dun gelin. 2. Ku l.: dokominti la dirayo warqad sii raacin. 3. Maro iwm mid kale ku tolid.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga lifaaq

yaa | uraa | abad | dhexjoogid | dibkabe | horkabe | lifaaqid |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg