Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: bulaysnaan
guruuructan Gunuunuc is waydaarasho.
gurux 1. Isha inteeda kuusan ee baararka ka hooseysa. 2. Dhaqdhaqaaqa isha.
gurxad ld gurxasho.
gurxamid eeg gurxan ².
gurxan (1) Cod gaar ah oo nafleyda qaarkeed samayso oo badanaa ku lug leh guhaad ama wax doon (libaax, ey, iwm).
gurxan (2) Gurxan samayn.
gurxasho eeg gurxo. ld gurxad.
gurxo Sal ku socosho (curyaan).
guryamid eeg guryan². ld duryamid.
guryan (1) Hadal badan oo aan murti lahayn. ld duryan¹.
guryan (2) Hadal badan oo aan murti lahayn dabeebasho. ld duryan².
guryannoqo Xero laga soo guurey u noqosho (xoolo).
guryannoqod ld guryannoqosho.
guryonnoqosho eeg guryannoqo. ld guryannoqod.
gus Xubinta taranka ee ragga.
gusoore 1. Bartamaha guga. 2. Bar-waaqo. ld gu'soore.
guubaabi Cid inay wax ku tallaabsato ku boorin.
guubaabin eeg guubaabi. ld guu-baabo.
guubaabo Hadal loo jeediyo cid la rabo inay arrin ku tallaabsato. ld guubaabin.
guube Xuub weyn xab ka buuxo oo ka soo horreeya ilmaha dhalashadiisa (geel). ld gube.
guubi Hal dhalaysa guube keenid.
guubin eeg guubi. ld guubis.
guubis ld guumis.
guud 1. Aan gaar ahayn. 2. Timaha dheer oo fardaha iwm surkooda, dhinaca kore, ku yaal. 3. Timaha weyn oo madaxa oo dadka deysto. 4. Wax kor u dheer, madaxa ugu korreeya; kore; sare; baar.
guudaamid eeg guudan².
guudaan (1) Nooc cudur ka mid ah cudurrada geelaha oo geeri leh.
guudaan (2) Geel guudaan haya ahaansho.
guudadley Qof dumar ah oo guudad leh.
guudey Sagaarada weyn ee dheddig.
guudfuul (1) ld guudfuulid.
<< < 93 94 95 96 97 98 99 100 101 102 > >>

 

Exit mobile version