soddogow Soddog noqosho.
soddoh 1. Haweeney gabadha ay dhashay ninka qaba waxa ay u tahay ama haweeney wiilka ay dhashay gabadha uu qabo waxa ay u tahay. 2. Haweeney gabadh leh.
soddohnimo Soddoh ahaansho.
soddoho Dabayl weyn, qashin iyo boor badan oo cirka isku sha-reerta.
soddohoobid eeg soddohow.
soddohow soddoh noqosho.
soddomaad (1) Taariikhda u dhexeysa bilawga soddonka iyo afartanka. ld soddo-naad¹.
soddomaad (2) Tirada jagaalada ah kan soddonka u dhigma. ld soddonaad.
soddomeeye ld soddomeeyo.
soddomeeyo Tiro soddon ku dhawaad ah. ld soddomeeye.
soddon Tiro ka kooban saddex tobnaad oo laysku daray.
soddonaad (1) ld soddomaad¹.
soddonaad (2) ld soddomaad².
soddoneeye Tiro qiyaas ahaan soddon u dhow. ld soddomeeye.
sogob Orgi xaniinyo bax-san.
sogordah (1) Maldahidda hadal iwm la maldaho. ld sogordahid.
sogordah (2) Hadal iwm maldahid; wax sarbeebid.
sogordahan Hadal wax la maldahay ahaansho.
sogordahid eeg sogordah². ld sogor-dah¹.
sogordahnaan eeg sogordahan. ld sogordahnaansho.
sogordahnaansho ld sogordahnaan.
sogsog 1. Geed weyn, bilcilka u eg oo xabag iyo mayrax leh. 2. S. ah: nafley caato ah.
sokay ld soke.
sokayn eeg sokee.
soke (1) Meel durugsan, halka ka sokeeya; meel dhow. Tus. “Togga sokadiisa ayay degganyihiin”.
soke (2) ld suke.
sokee Wax, wax kale ka dhow noqosho.
sokeeye Dad xiriir wada dhalasho wadaaga; xigto; qaraabo.
sokeeyennimo Sokeeye ahaansho.
sokor Dhacaan aad u macaan oo geedka qasabka laga miiro, oo inta la farsameeyo laga dhigo budo badanaa cadcad oo wax lagu macaansado. ld son-kor.
<< < 94 95 96 97 98 99 100 101 102 103 104 > >>