soke
(Sifo | Attributive)

Meel durugsan, halka ka sokeeya; meel dhow. Tus. “Togga sokadiisa ayay degganyihiin”.

soke
(m.l)

ld suke.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soke

casabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Dad wada dhalasho ka dhexeyso; xigto; ehelo; xigaalo; qaraabo; sokeeye.

colguri [m.l]
1. Naag la qabo oo dhibaato badan. 2. Xuguf iyo isnaceyb ka dhexeeya dad ehel ah oo meel ku wada nool; dagaal sokeeye.

dhowow [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-waaday, -waatay)
1. Cid si martinnimo iyo xurmo leh meel u fariisasho. 2. Soo dh.: cid meeshii ay joogtay meel ka sokeysa imaansho. ld dhawow.

ehel [m.l]
Qaraabo, sokeeye, xigto. ld ahal, ahalo, ehelo.

isbahaysi [m.l]
Xiriir isgaashaanbuuraysi oo ka dhexeeya dad, ummado, dawlado, iwm oo sokeeye ahaan isku raaca. ld isbahaysasho.

isbahayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Dad, ummado, dawlado, iwm xiriir isgaashaan-buuraysi oo sokeeye ahaan uga dhexeeya isku raacid.

jugleyn [m.dh]
(daaw.) Hirar cadaadis ah oo is daba joog ah oo dhex maraya halbowle waxaana keenay iskuroorka hannaansan ee muruqa qolka bidix ee wadnaha, sidaas darteed waxay u dhigmaan xawliga garaaca wadnaha inta goor uu wadnuhu (garaaco/daqiiqaddiiba) waxa si sahal ah looga dareemi karaa halbowlayaasha meel soke ku yaal, sida halbowlaha kalka dibadeed ee tagoogta (radial artery) ama halbowlaha luqunta (karotid artery).

qal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-alay, -ashay)
1. Neef nool gowracid, oo kala dhigdhigid. 2. Meel jirka nafleyda ka mid ah jeexid si loo daaweeyo. qalaad s. Dhul kale ama tol kale ah; aan sokeeye ahayn; shisheeye.

qareennimo [m.dh]
1. Qareen ahaansho. 2. Qaraabo, sokeeye.

seeraar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Ka s.: wax, wax ku gudbanaa dhaafid. seeraari lg2 (-iyay, -isay) Wax la tuurayo si ay meel shishe oo aan muuqan ugu dhacaan, wax dheer oo soke dusha ka marin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg