soddon
(m.l.t)Tiro ka kooban saddex tobnaad oo laysku daray.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh soddon ↴
waar [m.l] (-rar, m.l)
Cabbir dhererka lagu cabbiro oo la mid ah seddax cagood ama soddon iyo lix hiish ama 0.914, mitir.
yeegtiis [m.l] (-syo, m.dh)
Bisha ku dhammaata kow iyo soddon.
abley [m.dh] (-eeyo, m.dh)
Billaawe weyn oo dhererkiisu yahay qiyaastii soddon sintimitir. ld amley.
bastooreyn [m.dh]
(daaw.) Kululeynta caano ilaa kulku gaaro 65°C oo lagu hayo soddon daqiiqadood (30), ama kulka la gaarsiiyo ila 72°C laguna hayo shan iyo toban daqiiqadood (15), si loo dilo baktiiriyada ay ka mid yihiin kan qaaxada iyo kan tiifowga.
bil [m.dh] (-lo, m.l)
1. Laba iyo tobanka qaybood ee sanadka middood oo ah sagaal iyo labaatan ama soddon beri. 2. Marka dayaxu aanu dhammays ahayn. 3. Calaamad qaab dayax billow ah u eg oo xoolaha lagu sunto. 4. Bisha cas: urur caalami ah, oo dalal islaanku maalgeliyaan oo u qeybsan daryeelka ama samafalka dadka oo ay astaan u tahay dayax billaw ah oo cas.
gardhalad [m.l]
Bil bilatay kaddib markay u buuxsameen soddon beri bishii ka horreysa.
garmadow [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Nin da'diisu u dhaxeyso soddon ilaa afartan jir. ld garmadoob.
jus [m.l] (-sas, m.l)
1. Soddonka qaybood oo kitaabka Quraanku u qaybsamo midkood. 2. Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay midkood.
khidmo [m.dh]
1. (dii.) Soddonka jus ee quraanka oo kol isku meel lagu wada akhriyo. 2. Hawl cid loo qabto; adeeg. 3. (-ooyin, m.l) Lacagta la siiyo qof hawl fudud qabtey. ld khidmad.
labaatanaad [m.l]
Sanadaha u dhexeeya labaatan ilaa soddon.