macsuum1 Qof martiqaad loo fidiyey. macsuum2 Cid marti qaadid. macsuuman Qof la macsuumay ahaansho.
macsuumid eeg macsuum².
mad1 1. Dhagax midab madow leh oo haddii la isku dhufto dab dhala oo buuraleyda laga helo. 2. Jiididda la jiido shaqal af carabi ah marka lagu dhawaaqayo. ld med¹. mad2 1. Qof dhagax la dhicid. 2. Shaqal af carabi ah ku dhawaaqiddiisa jiidid. ld med². mad'hab ld mad-hab.
mad-hab (dii.) Afarta dugsi oo waaweyn ee fiqiga Islaamka middood (Xanafi, Shaafici, Xanbali iyo Maaliki). ld madhab.
madaa'iix eeg madiix¹.
madaabax Goodir lab oo aad u weyn.
madaafiic eeg madfac.
madaal 1. Weel badarka iwm lagu cabbiro. 2. Badar dhan hal madaal muggis.
madaali Badar iwm madaal ku cabbirid.
madaalin eeg madaali. ld madaalis.
madaalis ld madaalin.
madaar1 1. Gadgaddoonka iyo taaha uu qof buka sameeyo xanuun awgiis. 2. Cida ay sameeyaan xoolo ilmohooda u soo insaarixinaya. madaar2 1. Qof buka, xanuun awgiis taah iyo gadgaddoon samayn. 2. Xoolo ilmohooda u soo insaarixin. madaarid eeg madaar².
madaddaalad ld madaddaalasho.
madaddaalasho eeg madaddaalo². ld madaddaalad.
madaddaali Cid maawelin.
madaddaalin eeg madaddaali. ld madaddaalis.
madaddaalis 1. Maaweelinta cid la maaweeliyo. 2. ld madaddaalin.
madaddaalo1 Wax xiiso leh oo waqtiga la isku dhaafiyo. madaddaalo2 Wax xiiso leh waqti isku dhaafin. madag Qori gaaban oo sida badan geedka docolka, mareerka iwm laga qoro oo inta dhexda fantax yar looga yeelo ul yar oo af siman leh lagu fariisiyo, kaddibna xoog loo xurbiyo ilaa uu dab ka dhasho.
madal1 1. Meel dad badani isugu yimid. 2. Ballan. ld madar². madal2 Qof ballamid. madalbaaji Meel lagu ballamay ka maqnaasho (qof).
madalbaajin eeg madalbaaji. ld madalbaajis.
page : 998 of 1584
<< < 993 994 995 996 997 998 999 1000 1001 1002 1003 > >>