mafafaay Babbaay.
mafiiq Xaaqin. ld minfiiq.
mag1 Diyo. mag2 Khasaaro cid loo geystay qiimaheeda bixin. 2. Diyo bixin. magaad Budo cad, dhadhan qaraar leh oo tubaakada lagu cuno, siyaabo kalena loo isticmaalo.
magaag1 1. Jirro dadka ku dhacda oo ka timaaddo nafaqo xoolaad la'aan. 2. M. ah: faras aan la jarabarin. 3. ld magaagid. magaag2 1. Nafaqo xoolaad la'aan darteed la jirrasho. 2. Iska m.: laf feenasho. magaagid eeg magaag². ld magaag¹ (3).
magaalammadax Caasimad.
magaalaqaran Qaran hal magaalo ka kooban.
magaalee Meel magaalo ka dhigid.
magaaleyn eeg magaalee.
magaaleysad ld magaalaysasho.
magaaleysasho eeg magaaleyso. ld magaaleysad, magaaleysi.
magaaleysi ld magaaleysasho.
magaaleyso Miyi ama tuulo magaalo ka aadid.
magaalo Meel dad badani wada degganyahay oo leh guryo badan, waddooyin, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo iwm; beled.
magaaloobid eeg magaalow.
magaalow Meel magaalo noqosho.
magaan1 Faras aan orod badan lahayn. magaan2 Hal caano yar; baaqimo. magaay Jecleysashada uu qof jecleysto cunto aan markaa la hayn. Cali magaaygu wuu ka bi'i lahaa hadduu timir helo.
magac1 1. Erey qof, meel ama wax gaar ahaan loo yaqaan oo loogu yeero. 2. M. leh: qof sharaf, wanaag iyo geesinnimo lagu yaqaan. magac2 (nax.) Qaybaha hadalka mid ka mid ah, oo tilmaama wax nool (gabar, faras iwm), wax aan noolayn (bir, loox iwm) iyo waxyaabo kale. M. caadyaal: wuxuu tilmaama waxyaabo la taaban karo (buug, qalin iwm); m. cillaneed: wuxuu tilmaama shay leh tayo aanay dareemi karin shanta dareemayaal (jacayl, fikrad, run iwm); m. gaar: magac si gaar ah u tilmaama noole ama shay (Maandeeq, Xamar, Cali, Jubba iwm); m. guud: magac si guud ah u tilmaama qof, xayawaan ama shay (gabar, lo', magaalo iwm); m. urur: magac tilmaama koox noole ama shay (xayn, geel, dad iwm). magacaabid eeg magacow². ld magacow¹ (3).
magacdar Ugu m.: qof, qof kale kala magac dhigid.
magacdarid eeg magacdar.
magacdarree Cid sumcaddeeda xumeyn.
magacdarreyn eeg magacdarree. ld magacdarreys.
magacdarreys ld magacdarreyn.
page : 1005 of 1584
<< < 1000 1001 1002 1003 1004 1005 1006 1007 1008 1009 1010 > >>