magaalo
(m.dh) (-ooyin, m.l)Meel dad badani wada degganyahay oo leh guryo badan, waddooyin, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo iwm; beled.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh magaalo ↴
xaafad [m.dh] (-do, m.l)
Qaybaha magaalo u qaybsan tahay mid ka mid ah oo degmo ka yar.
baaddiye [m.l]
Berriga intaa aan magaalo ama tuulo ahayn.
akrobalus [m.l]
(taar.) Qalcadihii ku yiil magaalooyinkii Giriiggii ee waqtiyadii hore.
bandow [m.l]
Amar dowladeed oo ku xukumayo dad magaalo deggan inaanay isu socon waqti go'an nabadgalyo awgeed. ld bandoo.
beeba [m.l]
Ciyaar lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan magaalo-xeebeedyada koonfureed (Xamar, Marka iyo Kismaayo).
beled [m.l] (-ldaan, m.dh)
Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iwm; magaalo.
bender [m.l] (-rro, m.dh)
1. Magaalo meel xeeb ah ku taal. 2. Beled marso leh. 3. Yoolka ciyaarta imbiliga. ld bandar.
caanateel [m.l]
1. ld caanaddiiq 1. 2.C. ah: xoolo lagu dhaqo meel u dhow tuulo ama magaalo si caanahooda loo suuqgeeyo. 3. C. ah: qof dhaqa xoolahaas. 3. ld caanateelid.
caanateel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eelay, -eeshay)
Meel magaalo ama tuulo u dhow xoolo ku dhaqid si caanahooda loo suuq geysto. ld caanaddiiq².
farasmagaalo [m.dh]
Bartamaha magaalada. ld farasmagaale.