manyici ld mayici.
manyicid ld mayicid.
manyicin ld mayicin.
manyiikay Nooc ka mid ah mariidka oo laga isticmaalo xeebta iyo Jubbada Hoose; waxaa laga sameeyaa dhecaan geed; maanyo, qubleey, libin.
maqaal ld maqaalad.
maqaalad Qoraal mawduuc saameeyo oo lagu soo daabaco joornaal ama majallad. ld maqaal, maqaalo.
maqaale War la maqlay aan goobjoog loo ahayn.
maqaalin Bir af qoroofan oo xagga dambe dalool ku leh oo mallaayga lagu dabo.
maqaalo ld maqaalad.
maqaame ld makhaane.
maqaan 1. (-nno, m.dh) Meel la yaqaan oo sheekh caan ah lagu xuso. 2. ld mekhaan. Darajo. 3. ld mekhaan. Sharaf; maamuus; qaymo.
maqaar1 Dub. maqaar2 (c.nafl.) Qaybta adag ee weliba ah lakabka ugu hooseeya ee haragga lafdhabarleyda. Lakabka kale waa dubka bare. Haraggu wuxuu ka koobanyahay nudo isku xidhayaal miiqan, kuwaas oo ay ku dhex jiraan dhuumahadhiiggu, dhammaadka dareenwadka iyo naasleyda) goonka tina ah, qanjidhada dufanka iyo marinnada dhididka. maqaar-dhexaad (c.nafl.) Lakab jinsi oo u dhexeeya dub duleedka iyo dub gudeedka, waxaana uu soo saaraa nudo isku-xidhayaal dhiiqa, muruqyada iwm.
maqaar-ku-dur (daaw.) Mudidda ila maqaarka hoostiisa.
maqaardhac (daaw.) Cudur muddo dheer oo maqaarka ku dhaca, waxa lagu yaqaan haaro qolfo leh oo cuncun badan oo ka sameysma suxullada, dhudhummada, jilbaha, lugaha, madaxa iyo meelo kale oo jirka ka mid ah.
maqaarholac (daaw.) Halaamacoodka haragga oo inta badan uu keeno dulan dibadda uga imaada.
maqaarsaar1 1. Saaridda hal ama sac ilmo ka dhintay maqaarkiisa loo saaro ilmo kale si ay ugu godlato. 2. M. ah: qof waxa uu u magacaabanyahay aan awood u lahayn. 3. ld maqaarsaarid. maqaarsaar2 Hal ama sac ilmo aysan dhalin maqaar u saarid. maqaarsaarid eeg maqaarsaar². ld maqaarsaar¹ (3).
maqaarsad ld maqaarsasho.
maqaarsasho eeg maqaarso. ld maqaarsad, maqaarsi.
maqaarsi ld maqaarsasho.
maqaarso Cid caan ah magaceeda ku shaqaysasho.
maqaasiin Baqaar. ld makhaasiin.
maqaawiir Dad xigmad, awood iyo sharaf ku dhantahay oo wax hoggaamin kara.
maqaaxi Makhaayad.
maqaayad ld makhaayad.
maqaayadle ld makhaayaadle.
maqaayo ld makhaayad.
page : 1025 of 1584
<< < 1020 1021 1022 1023 1024 1025 1026 1027 1028 1029 1030 > >>