marmarid eeg marmar³. ld marmar¹ (3).
marmaro Indha farta ku rugasho (qof).
marmarsiino ld marmarsiinyo.
marmarsiinyo Sabab lagu caddeynayo wax dhacay; cudurdaar. ld marmarsiino.
marmarsiinyoo 1. Marmarsiiyo sheegid. 2. Ku m.: wax marmarsiinyo ka dhigasho. ld marmarsoo.
marmarsiinyood eeg marmarsiinyoo. ld marmarsood.
marmarsoo ld marmarsiinyoo.
marmarsood ld marmarsiinyood.
marnaan eeg maran. ld marnaansho.
marnaansho eeg marnow. ld marnaan.
marnow 1. Weel aan wax ku jirin noqosho. 2. Naas geel wax maraq lagu maray noqosho. 3. Qof jinni madaxa ka maray noqosho. 4. Gacan m.: qof cayr noqosho.
maro1 Gabal dhar ah. maro2 1. (f.g) Naas geel maraq ku marasho. 2. (f.mg) Weel wax aan wax ku jirin noqosho. 3. (f.mg) Ku m.: dhar, xarig iwm meel ku duubasho. maro-masaar 1. Wiil, gabadh dabakeen ah ku mataansan oo la aaminsanyahay in uu falxad yahay. 2. Wan ama waxar dabakeen ku mataansan.
maroodi (c.nafl.) Naasleyda berriga ku nool midka ugu weyn oo leh gacan dheer oo uu ka neefsado, waxna ku laayo, labo-ilig waaweyn dhaadheer, qaali ah oo ka soo baxsan goomankiisa, iyo cago balballaaran oo aan faro lahayn oo ku nool Afrika iyo Hindiya.
maroodiyow (daaw.) Cudur xun, luga barariya oo dadka iyo xoolaha ku dhaca; abeesow.
maroog Xarig la tirjinayo si xoog leh oo la isugu duubo.
maroogsad ld marooqsasho.
maroogsan ld marooqsan.
maroogsanaan ld marooqsanaan.
maroogsanaansho ld marooqsanaan.
maroogsasho ld marooqsasho.
maroogsi ld marooqsasho.
maroogsin Dambiil weyn.
maroogso ld marooqso.
marooji 1. Si maroor ah wax u wareejin. 2. Maro qoyan isku duubid si ay biyuhu uga daataan.
maroojin eeg marooji. ld maroojis.
maroojis ld maroojin.
maroojis-laba-cirifle (kiim.) Taranta soo baxda marka la isku dhufto saldanabka togan (ama midka taban ee saxar) iyo fogaanta u dhaxaysa labada saldanab.
marooq 1. Xarig, maro, iwm oo la maroojiyey meesha ay iskaga guntamaan. 2. Qallooc.
page : 1035 of 1584
<< < 1030 1031 1032 1033 1034 1035 1036 1037 1038 1039 1040 > >>