Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
mataansanaansho  ld mataansanaan.
mataatac1  1. Hadal aan murti lahayn. 2. ld mataaticid. mataatac2  Hadal aan macno lahayn ku hadlid. mataatax1  1. M. ah: hilib karis ka batay awgiis aad u jilcay. 2. Maro duugnimo awgeed aad u jilicday. 3. Miro aad u bislaaday. 4. ld mataatixid. ld motootax¹, mutuutax¹. mataatax2  (fiis.) Dhalan-rogga bu'kaahfale ihi iskeed ugu beddelanto bu'farcan ah taas oo ah ama aan ahayn kaahfale. Marka bixitaanka hal ama in ka badan oo saxarro ama footoono ah. mataatax3  1. Hilib karis ka batay oo aad u jilcay noqosho.2. Maro aad u duugowday noqosho. 3. Miro aad u bislaaday noqosho. ld motootax², mutuutax². mataatax-biita  (fiis.) Doorsoonka kaahfaleed ee bu'atam ay noqoto iskugodka atamka xiga, ayna weheliso bixinta elektaroon ama burotoon bu'da soo baxda waxa ay leedahay cuf atameed le'eg tan bu'da asalka ah, waxase ay ku kala geddisanyihiin tiro atameedka xaddi hal ah.
mataataxsan  1. Hilib karis ka batay oo aad u jilcay ahaansho. 2. Maro aad u duugowday ahaansho. 3. Miro aad u bislaaday ahaansho. ld motootaxsan, mutuutaxsan.
mataataxsanaan  eeg mataataxsan. ld mataataxsanaansho, motootaxsanaan.
mataataxsanaansho  ld mataataxsanaan.
mataaticid  eeg mataatac². ld mataatac¹ (2).
mataatixi  1. Hilib karis ka batay oo aad u jilcay ka dhigid. 2. Maro aad u duugowday ka dhigid. 3. Miro aad u bislaaday ka dhigid. ld motootixi, mutuutixi.
mataatixid  eeg mataatax³. ld mataatax¹ (4), motootax¹, motootixid, mutuutax¹.
mataatixin  eeg mataatixi. ld motootixin, mutuutixin.
mataatulle  Qoryo, cajillo, callalo iwm oo inta laysu geeyo loo yeelo qaab dad ama wax kale ayadoo laga ag dhisayo xeryaha xoolaha ama beeraha si loogu cabsiiyo cawameerta.
mataatullee  Mataatulle samayn.
mataatulleyn  eeg mataatullee.
mataaxif  eeg matxaf.
matag1  ld mantag¹. matag2  (daaw.) Wixii caloosha ku jiray oo afka si xoog ah uga soo baxa, waxaana keena fal aan loo talin. matag3  ld mantag². matagid  ld mantagid.
mataji  ld mantaji.
matajin  ld mantajin.
matajis  ld mantajin.
matal1  ld masal¹. matal2  ld masal². matalan  ld masalan.
matalid  ld masalid.
mataraariye  Nooc ka mid ah buntukhda ciidammo oo leh labo addin, si darandorri ahna u dhaca; boobe.
page : 1049 of 1584
<< < 1044 1045 1046 1047 1048 1049 1050 1051 1052 1053 1054 > >>

 

Exit mobile version