Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
meelmarid  eeg meelmar². ld meelmar¹ (2).
meelmarin  eeg meelmari.
meelmarsan  Arrin, talo iwm wax meel maray ahaansho.
meelmarsanaan  eeg meelmarsan. ld meelmarsanaansho.
meelmarsanaansho  ld meelmarsanaan.
meelnoqo  1. Ka m.: cid ka hiillin. 2. L. m.: cid u hiillin.
meelnoqosho  eeg meelnoqo.
meemman  1. Ninka dahabka sameeya. 2. Meesha dahabka lagu sameeyo.
meeqa  Immisa.
meer1  1. Xarig dheer oo lagu wareejiyo aqal soomaaliga dadkiisa sare, si aysan dabayshyu u qaadin. 2. ld meerid. meer2  1. Socod wareeg ah socosho. 2. Ku m.: xarig wax ku xirid. 3. Ku m.: maal, derejo iwm cid kale ku wareegid. meeraxeer  Xarig dheer oo kolka awrta la raro oo la dhigeeyo, lammadana la saaro dusha looga xiro.
meere1  Xiddigo qaboobey oo dhulal noqday oo qorraxda la socda oo ku wareega oo iftiinka ka qaata midkood; meereyaashu (sayaariin) waa siddeed. Dusaa, (cuddaar), Waxaraxir ama Xiddigta Waabberi (sahra), Dhulkeenna, Farraarre (mariikh), Cirjeex ama Cirjiir (mushtar), Raage (saxal), Uraano, Netuun. Buluuto ama Buluto 2006 ayaa laga saaray Meerayaasha rasmiga ah. meere2  (c.fal.) Mid ka mid ah walxaha qiyaas ahaan goobada ah, oo gaadhaya dhowr boqol, kuwaas oo ku meeraysta qorraxda oo mara tub qorraxeedyo loo yaqaan tubo. Waxa jira sagaal meere oo waaweyn, uu ku jiro dhulku, oo in door ah ka weyn kuwa oo hadhay, iyo meereyaal yaryar oo badan ama meere yareyaal. Meereyaasha dhulka ka weyni waa: Nebtuun, Yuraanas, Jaateen iyo Jubitar, kuwa ka yaryarina waa: Feenus, Maaris, Meerkuri iyo Buluuto. Feenus iyo Meerkuri ayaa qorraxda uga dhow dhulka kuwa soo hadhay ay ka sii fogyihiin. Buluuto, oo la helay 1930, ayaa ugu fog qorraxda, marka laga reebo qorraxda iyo xiddigaha, sida dayaxa meerayaasha kale waxay ku faan noqodka qorraxda. Buluuto ama Buluto 2006 ayaa laga saaray Meerayaasha rasmiga ah. meere yare  (c.fal.) Ku-wareege yar: waxaa jira qaar badan oo ku warega gorraxda, una dhexeeya majiireyaasha Maars iyo Jubitar; ka u weyn dhexroorkiisu waa 700 Km., ka u yarna dhexroorkiisu wuxuu ka yaryahay 30 Km.
meeree  Wax xarig iwm ku wareejin, wax, wax, kale ku dul wareejin.
meereyn  eeg meeree.
meereysan  1. Ku m.: wax, wax kale dusha kaga wareegsanyihiin ahaansho. 2. Wax rarkiisa saani ku dadantahay ahaansho (awr raran).
meereysasho  eeg meerayso.
meereysnaan  eeg meereysan. ld meereysnaansho.
meereysnaansho  ld meereysnaan.
meereyso  Meel ku warwareegid.
meeri  1. Cashar iwm akhriyid. 2. Xarig iwm wax kale ku dul duubid. 3. Ku m.: wax meer ku dul wareejin. 4. Ku m.: hanti, wax iwm cid kale ku wareejin.
meerid  eeg meer². ld meer¹ (2).
meerin  eeg meeri. ld meeris¹ (3).
meeris1  1. Hal geeddi (xarig) oo raar, derin, haan iwm la sameeyo. 2. Dersi, cashar iwm. 3. ld meerin. meeris2  (xis.) Fogaanta ku wareegsan xood oodan oo kasta ama dhererka goobada oo la mid ah 2r, taas oo, r tahay gacanka goobada. meerkac-biyood  (juqr.) Wareeg goobeed biyaha badda dhexdeeda ama webiga dhexdiisa oo ka dhashay kala sarraynta kanaalka, ama kulanka laba maayadood, ma sababo la mid ah.
meerkac-dabayleed  (c.cimi.) Kolmo yar oo dabayleed oo degdeg ugu wareegaysa dhidib taagan ama wax yara janjeedha, oo dhexda ku leh meel cadaadiska jawigu hooseeyo. Marmarka qaarkood way dheertahay, lamadegaannadana waxay ka kicisaa siigo, ama, qiyaas yar; xanfaley.
meerkiyuuri  (kiim.) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka, dabiici ahaanna ugu jira macdanta sinabaar uumigiisuna waa sun khatar ah. ld meerkuri.
page : 1058 of 1584
<< < 1053 1054 1055 1056 1057 1058 1059 1060 1061 1062 1063 > >>

 

Exit mobile version