meesiyeyn (baay.) Isbedellada koritaanka nudaha ee ka bilaabma sahlanaan ilaa uu ka noqdo dhisme kakan, kaas oo khaas u ah shaqooyin gaar ah. Meesiyeyntu waxay dhacdaa xilliga koritaanka uurjiifka, dib isu kabid, iyo dhinaca dhirtana waxqabad caydineed.
meetan Meesha tan; halkan.
meetroo Gaadiid u eg tareen oo ku socda aalaa dhulka hoostiisa oo la isaga raaco magaalo gudeheeda ama aaggeeda.
meeyay eeg mee.
meeye eeg mee.
megag Tiro.
megdee Maqaar meged ka dhigid. ld magdee.
megdeyn eeg megdee. ld magdeyn, magdeys, megdeys.
megdeys ld megdeyn.
megdeysad ld megdeysasho.
megdeysan Wax la megdeeyey ahaansho (maqaar). ld magdeysan.
megdeysasho eeg megdeyso. ld magdeysad, magdeysasho, magdeysi, megdeysad.
megdeysi ld megdeysasho.
megdeysnaan eeg megdaysan. ld magdeysnaan, magdeysnaansho, megdeysnaansho.
megdeysnaansho ld megdeysnaan.
megdeyso 1. Harag meged ka dhigasho. 2. Harag meged marsasho. ld magdeyso.
meged 1. Harag la hoolay oo asal iyo waxyaalo kale lagu jilciyey. 2. Asalka wax magdiyo. 3. Geed-gaab leh caleemo yaryar oo qodxo leh, oo jiliftiisa haragga lagu megdiiyo.
mehee eeg ma4.
meher 1. Heshiis diini ah oo isu xira nin iyo naag isguursanaya. 2. Maal naag la guursanayo lagula heshiiyo oo ay si sharci ahaan ah ninka ugu yeelato. ld mahar.
meherad Hawl gaar ah oo qof dhab u yaqaan oo uu ku xoogsado.
meheradlaawe Qof aan shaqo lahayn, ama aqoon farsamo uu ku xoogsado.
meheri Naag si sharci ah nin ugu xirid (guur). ld mahari.
meherin eeg meheri. ld maharin.
meherkahorreys Ilmo calool gala inta aan aabbihii iyo hooyadii is mehersan, meherkaweyne; horgal.
meherkaweyne ld meherkahorreys.
mehersad ld mehersasho.
mehersan Ku m.: haweeney meher ku xiranyahay ahaansho. ld maharsan.
mehersanaan eeg mehersan. ld maharsanaan, maharsanaansho, mehersanaansho.
mehersanaansho eeg mehersanow. ld mehersanaan.
mehersanow Naag meher ku xiranyahay noqosho.
page : 1060 of 1584
<< < 1055 1056 1057 1058 1059 1060 1061 1062 1063 1064 1065 > >>