Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dulmadow
baraashirix Midab ka kooban baro yaryar badan, midabbo kala duwan ah oo riyuhu yeeshaan..
Baraasiil eeg Barasiil
barabbax (fiis.) 1. (dareere) Xaddiga dareeraha ah ee barabaxay marka walax idilikeed ama qaarkeed la dhexgaliyo dareere. 2. (Socod) Isbedelka meeleed. Fogaanta walaxi ka dhaqaaqday meeshii ay taagnayd. Marka xoog dhaqaajinaya uu falayo.
barabbax (1) ld barabbixid.
barabbax (2) Barada lagu koray ka bixid; barakac.
barabbixid eeg barabbax². ld barabbax¹.
barad 1. Qof wax uusan aqoon barashadooda ku jira. 2. ld barasho.
baradhacsasho eeg baradhacso. ld baradhacsi.
baradhacsi ld baradhacsasho.
baradhacso Si kala daadsanaan ah u fariisasho (qof).
baradho ld bataato.
baradii-ku-noole (baay.) Waxa lagu sharxaa noolaha dabeeco ahaan meel ku nool, ee aan la keenin meesha.
baraf 1. Biyo, qabow awgiis adke isku beddeley. 2. B. ah: wax aad u qabow.
baraf-dhagax (c.cimi.) Kubbado yaryar oo baraf adag ah, dhexroorkooduna uu gaarayo 5 mm. iyo in ka badan, kuwaas oo ka dhaca daruuraha kumuulonimbaska, badanaa waxaa la socda duufaan wadata roob culus oo onkod iyo hillaac leh. Dhagax barafyadu waxay leeyihiin qaabab kala duwan oo xajmigoodu uu gaarayo in door ah; dhagax barafyada keli kelida ah waxaa lagu yaqaannaa in miisaankoodu uu gaaro hal kg iyo ka badan. Samaysankooda waxaa u sabab ah hawo qoyan oo si dhaqso leh kor ugu kacda; dhibcaha biyaha ah way barafoobayaan.
baraf-dhalaal (jool.) Dariiqadda qaadidda ama dhaqaajinta barafweynaha dhalaala amase uu ku dhaco uumibax amase barafburbur.
baraf-durduro (juqr.) Cuf baraf ah oo si tartiib ah hoos ugu dhaqaaqaya waadi dhexdiis, isagoo ka soo dhaqaaqaya meesha sare ee barafku ku samaysmay una socda xagga badda, waxa jiidayana waa xoogga cufisjiidadka.
barafasoor ld barfasoor.
barafayn (jool.) Daboolidda uu meel daboolo, ama hawsha uu ka qabto, baraf goglan, ama barafweyne.
barafoobid eeg barafow.
barafow Baraf noqosho, aad u qaboobid.
barafuumayn eeg barafuumee.
barafuumaysan Wax barafuun marsan yahay ahaansho.
barafuumaysnaan eeg barafuumaysan. ld barafuumaysnaansho.
barafuumaysnaansho ld barafuumaysnaan.
barafuumee Wax barafuun marin.
barafuun Hoore alkolo ku jirto; carfoon, ubax iwm ka samaysan oo la isku udgiyo.
barahaman (dii.) Waxay ka mid yihiin wadaaddada ugu sareeya Hinduuga.
barakac (1) ld barakicid.
barakac (2) Colaad, faqrinnimo iwm awgeed meel uga guurid.
barakayn eeg barakee.
<< < 104 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 > >>

 

Exit mobile version