Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
mitami  Si siman u kaltan siin (wax). ld miltami.
mitamid  eeg mitan². ld miltan¹, miltamid, mitan¹.
mitamin  eeg mitami. ld miltamin.
mitan1  1. Kaltan. 2. ld miltamid. mitan2  Si siman wax u kaltan siin. ld miltan². mitansasho  eeg mitanso. ld miltansasho.
mitanso  Wax kaltan u gelid. ld miltanso.
mitid1  ld mintid1. ld mintidid. mitid2  ld mintid². mitidid  ld mintidid.
mitidnimo  ld mintidnimo.
mitimiye  (kiim.) Dhuun quraarad ah oo leh heerar cabbir oo lagu qiyaaso mugga hoor ka shubmaya iyada marka la furo xubin qasabad ah oo ku samaysan. Waxa lagu isticmaalaa habka saafid muggeedka.
mitir1  Cabbir dhererka lagu qiyaaso oo boqol sentimitir ama 1.093 yaardi ka dhigan. mitir2  (fiis.) Summad m. Halbeegga caalamiga (H.C.), ee dhererka loona qeexo dherer le'eg muunadda caalamiga ee ka samaysan balaatinam, iridiyam, laguna xafido waaxda keydinta cabbirka iyo miisaanka, kuna taalla Sefres, agagaarka Baariis. mitiri  Wax mitir ku cabbirid.
mitirin  eeg mitiri. ld mitiris.
mitiris  ld mitirin.
mitirkubbe  1. Cabbir hooraha lagu qiyaaso, oo saddex jibbaaran.2. Guri m. ah: guri ka samysan alwaax laysku dhedhejiyey.
mitirsad  ld mitirsasho.
mitirsan  Wax mitir lagu cabbiray ahaansho.
mitirsanaan  eeg mitirsan. ld mitirsanaansho.
mitirsanaansho  ld mitirsanaan.
mitirsasho  eeg mitirso. ld mitirsad, mitirsi.
mitirsi  ld mitirsasho.
mitirso  Wax mitir ku cabbirasho.
mixdin  ld maxdin.
mixnad  Dhibaato badan. ld mixno.
mixno  ld mixnad.
mixraab  (dii.) Maasaajidka gudihiisa meesha imaanka dadka tujiya loo sameeyo oo dhismo yar oo kuusan oo bannaanka u baxsan leh.
miyaa  Qurub tilmaamaya in ay su'aali saaran tahay ereyga ama weerta uu weheliyo. Tus. “Wiilasha miyaa yimid?”, “Miyuu Cali yimid?”, “Miyuusan Cali imaanayn?”.
page : 1084 of 1584
<< < 1079 1080 1081 1082 1083 1084 1085 1086 1087 1088 1089 > >>

 

Exit mobile version