dharab3 1. Dhiriqda lo'da. 2. ld dhereb. dharab-barafeed (fiis.) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.
dharabo Wax yar oo gasiin ah.
dharaboobid eeg dharabow².
dharabow1 Cudur cagaha dadka ka gala oo u yeela barar iyo dildillaac oo ka dhasha dhiriqda iyo dhoobada. dharabow2 Wax cudurka dharabowgu cagaha uga dhacay noqosho. dharabsad ld dharabsasho.
dharabsan Wax qoyaan yar gaaray ahaansho.
dharabsanaan eeg dharabsan. ld dharabsanaansho.
dharabsanaansho ld dharabsanaan.
dharabsasho eeg dharabso. ld dharabsad, dharabsi.
dharabsi ld dharabsasho.
dharabso Maro, saan iwm qoyaan yar ku shubasho.
dharan Neef ido ah wax madax cad ahaansho.
dharaq In yar oo caano ah oo neef la maalay ama la nuugay candhadiisa ku harta.
dharaqsad ld dharaqsasho.
dharaqsasho eeg dharaqso. ld dharaqsad, dharaqsi.
dharaqsi ld dharaqsasho.
dharaqso Candho dharaq ka maalid ama ka nuugid.
dharar Raagsasho.
dhararid eeg dharar.
dhararsad ld dhararsasho.
dhararsan Wax dhararay ahaansho (nafley).
dhararsanaan eeg dhararsan. ld dhararsanaansho.
dhararsanaansho ld dhararsanaan.
dhararsasho eeg dhararso. ld dhararsad, dhararsi.
dhararsi ld dhararsasho.
dhararso Wax la sugayey raagsasho.
dharas1 1. Diiddada hali diiddo in la maalo ama ilmaheedi nuugaan. 2. Hilib aad caato u ah; bantar. 3. Qof aad u karti yar. 4. Caro. 5. Dh. ah: nafley buuran laakiin jirkeeda dhad ku jiro (ido). dharas2 1. Hal in la maalo ama ilmaheedi nuugaan diidid. 2. Qof xanaaqid. 3. Wax la gansaday wax ku diidid.
page : 110 of 218
<< < 105 106 107 108 109 110 111 112 113 114 115 > >>