dharab
(m.l)1. Dhibco yaryar, biyo ah, ka dhasha qabowga habeenkii oo lagu arko cawska, dhirta iwm.; sayax; yaxni. 2. Rays aad u qoyan.
dharab
(m.l)(fiis.) Qoyaanka ku dul dhaca habeenkii dhulka dushiisa, amase waxyaalaha kale oo dhulka ku yaal ama dul saaran, sida cawska iyo caleemaha, waxaa qabooba oo dhibco noqda oo soo daata uumiga ku jira gibilka hoose ee dhulka korkiisa.
dharab
(m.dh)1. Dhiriqda lo'da. 2. ld dhereb.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dharab ↴
dharab-barafeed [m.l]
(fiis.) Dahaar baraf siman ah, oo mararka qaarkood leh dhumuc door ah, kaas oo ku dul samaysma walxaha roobku kula da'ayo jawi heerkulkiisu uu ka hooseeyo barta barafowga. Dharab baraf waxa kale ee uu samaysmaa marka dabayl diiran oo qoyan ay ka dhacdo meel qabow daran ka jiro, taas oo keenta in qoyaankii dabayshu ay sidday uu ku dul fadhiisto waxyaabaha heerkulka dushoodu uu ka hooseeyo barta fadhiisiga.
dharabo [m.dh]
Wax yar oo gasiin ah.
dharaboobid [m.f.dh]
eeg dharabow².
dharabow [m.l]
Cudur cagaha dadka ka gala oo u yeela barar iyo dildillaac oo ka dhasha dhiriqda iyo dhoobada.
dharabow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Wax cudurka dharabowgu cagaha uga dhacay noqosho.
dharabsad [m.l]
ld dharabsasho.
dharabsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax qoyaan yar gaaray ahaansho.