mullaaxi Geed mullaax ka diirid.
mullaaxin eeg mullaaxi. ld mullaaxis.
mullaaxis ld mullaaxin.
mullaaxsad ld mullaaxsasho.
mullaaxsasho eeg mullaaxso. ld mullaaxsad, mullaaxsi.
mullaaxsi ld mullaaxsasho.
mullaaxso Geed mullaax ka diirasho.
mullaay 1. Lakab mayrax ah oo u dhexeeya jillowda iyo lafta geedka. 2. Liid jilicsan ee cajaladda ku dhexjira oo hadalka, heesaha, muusika iwm lagu duubo. 3. Liid maro ah, jilicsan, khad leh oo teebka ku dhex jira oo farta warqadda lagu qoray muujisa.
mulli1 Biyo badan oo qof liqi karta; mool. mulli2 Xabagta geedaha qaarkood ka baxda oo cusub. muluf Fuf caws ah. ld malaf.
mulul1 1. (m.u) Haweenay ama neef xoolaad oo uur yeeshay ama rimay iyada oo ilmihii weli nuujinaysa. 2. M. ah: dheddig dad ama xoolaad oo sano walba dhasha. 3. M. ah: neef ari ah oo aad caato u ah. 4. ld mululid. mulul2 1. Dheddig dad ama xoolaad isaga oo weli ilmihii hore nuujinaya rimid ama uur yeelasho. 2. Neef ari ah aad u caatoobid. mululi Caano ciir ah dhay ku darid.
mululid eeg mulul². ld mulul¹ (4).
mululin eeg mululi.
mululrimid eeg mululrin². ld mululrin¹.
mululrin1 Rimidda uu rimo dheddig mulul ah. ld mululrimid. mululrin2 Dheddig dad ama xoolaad isaga oo weli ilmihii hore nuujinaya rimid ama uur yeelasho. muluq1 Ilmo da'diisu ka yartahay (6) lix bilood; murjuc. muluq2 1. Qof qaawan; murduq. 2. Qof wixii uu lahaa ama haystay laga wada qaaday. muluqmuluq 1. Socod badan oo meelo kala duwan la gelayo iyada oo aan ujeeddo fiican laga lahayn. 2. M. leh: wax gacanta ka sibiibixanaya. 3. Khayaano iyo mardaddabaan.
muluqmuluqlayn eeg muluqmuluqlee.
muluqmuluqlee Muluqmuluq samayn.
mulux Qare markaas soo baxay oo yar.
mulxid1 (dii.) Gaal, kufri; qof aan diimaha rumaysnayn. mulxid2 (fals.) Qof aan xiisayn ama aan dan ka lahayn arrimaha ku saabsan diinta. mulxidnimo (dii.) Mulxid ahaansho.
munaaddee ld muraaddee.
munaaddeyn ld muraaddeyn.
page : 1097 of 1584
<< < 1092 1093 1094 1095 1096 1097 1098 1099 1100 1101 1102 > >>