gabbal1 Qorrax sii dhaceysa. gabbal2 Bar oo ku taal neef xoola ah oogadiisa. gabbalday ld gabbaldaye.
gabbaldaye Geed-gaab la beero oo leh caleemo balballaaran iyo ubax wareegsan oo hurud ah oo hadba meesha qorraxdu ka jirto u jeesta oo laga miiro mirihiisa saliid. ld gabbalday.
gabbaldhac Waqti qorraxdu sii dhacayso iftiinkeeduna gabaabsi yahay. ld gabbaldhicid.
gabbaldhacsad ld gabbaldhacsasho.
gabbaldhacsasho egg gabbaldhacso. ld gabbaldhacsad, gabbaldhacsi.
gabbaldhacsi ld gabbaldhacsasho.
gabbaldhacso 1. Ku g.: ilaa gabbal dhaca meel joogid. 2. U g.: wax samayntooda ilaa gabbaldhaca sugid.
gabbaldhici U g.: ilaa qorraxdhaca wax meel ku hayn.
gabbaldhicid ld gabbaldhac.
gabbaldhicin egg gabbaldhici.
gabbalee Gabbalo yeelasho.
gabbaleyn eeg gabbalee.
gabbalgaab Galabnimada inteeda dambe ee gabbaldhaca ka horreysa. ld gabbalgaabad.
gabbalgaabad ld gabbalgaab.
gabbalgaabsad ld gabbalgaabsasho.
gabbalgaabsasho eeg gabbalgaabso. ld gabbalgaabsad, gabbalgaabsi.
gabbalgaabsi ld gabbalgaabsasho.
gabbalgaabso Ku g.: ilaa waqtiga go qorraxdu dhicidda ku dhowaato meel ku sugnaansho.
gabbaljiif 1. Gabbalgaab. 2. Qof wahsi badan oo aan shaqada jecleyn.
gabbalsiidhac ld qorraxdhac.
gabbar Cid gabbaro siin.
gabbaro Lacag ama hanti kale oo beelo meel wada daggani bixiyaan oo la siiyo dowlad ama boqortooyo; sedo, ammaan.
gabbasho eeg gabbo. ld gabbad¹, gabbood, gambad, gambasho.
gabbi Nabar la soo tuuray balfin, weecin, celin.
gabbigabbi Ilaalo koox ah oo loo diro col inay soo indha-idheeyaan. ld gabgabbi.
gabbin eeg gabbi. ld gabbis.
gabbis ld gabbin.
gabbo Wax la soo riday ama lo soo tuuray gabbaad ka gelid. ld gabboo, gambo².
page : 12 of 102
<< < 7 8 9 10 11 12 13 14 15 16 17 > >>