dhardhaq Xoolaha la qasho ama cuntada la cuno marka mayd la aasayo.
dhardhigasho eeg dhardhigo.
dhardhigo Qof isqaawin.
dharee Wax dhar u yeelid.
dhareer1 1. Qoyaan layiig ah oo nafleyda afkeeda ka yimaada; cay. 2. ld dhareerid. dhareer2 Qoyaan layiig ah afka ka keenid (nafley). dhareerid eeg dhareer². ld dhareer¹ (2).
dhareerrey Kalaggoysyada xubnaha oo biyuhu ku jiraan sida lawga iyo canqawga middood.
dhargal Nooc dibqallooca ka mid ah oo jurmi yar.
dharid eeg dhar². ld dhadid.
dhariin Meel badanaa dhagax ah oo biyo ka soo dindimaayaan.
dharjo Geed nagaar laamo iyo caleemo jilicsan leh oo xooluhu aad u jecelyihiin.
dharkayn (dharkayn/-nno, m.dh) Geed dheer, cananna kulul leh, loox wanaagsan laga samayn karo.
dharla'1 Kubka dhankiisa hore ee hilibku ku yaryahay; xoog. dharla'2 Qof qaawan ahaansho. ld dharra dharla'aan eeg dharla'². ld dharla'aansho, dharra'aan, dhar- ra'aansho.
dharla'aansho ld dharla'aan.
dharnaan eeg dharan. ld dharnaansho.
dharnaansho ld dharnaan.
dharoor Dhul sare oo buuraley ah.
dharqad ld dharqasho.
dharqasaal Qof dharka mayra oo lacag ka tacba; doobbi.
dharqasho eeg dharqo. ld dharqad.
dharqi Candho dharaq ka maalid ama nuugid. ld dharbi (3).
dharqin eeg dharqi. ld dharbin (2).
dharqo Ka dh.: noole, cunto ama cabbid ka dhergid.
dharra' ld dharla'².
dharra'aan ld dharla'aan.
dharra'aansho ld dharla'aan.
dharrici Ceeb weyn; bayuur. ld dhirrici.
page : 112 of 218
<< < 107 108 109 110 111 112 113 114 115 116 117 > >>