Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xarmasho
nabiib2  ld namiin². nabiibid  ld namiinid.
nabiibnimo  ld namiinnimo.
nabiiso  Ul rabadh ka samaysan oo bilayska dadka ku kala eryaan.
nabiyad  Saxan weyn; siiniyad.
nabmid  eeg naban¹.
nabnaan  eeg naban². ld naabnaan.
nabnaansho  eeg nabnow. ld naabnaan.
nabnow  Wax naban ah noqosho.
nabran  Wax nabar ku dhacay ahaansho.
nabranaan  eeg nabran. ld nabranaansho.
nabranaansho  ld nabranaan.
nabraysan  ld nabarraysan.
nabraysasho  eeg nabrayso.
nabraysnaan  ld nabarraysnaan.
nabraysnaansho  ld nabarraysnaan.
nabrayso  Jir nafley nabro yeelasho.
nabrid  eeg nabar².
nabsi1  1. Hoog iyo dhibaato lagu abaal mariyo qof abaaldarnaaday ama ballan furay. 2. Hoog iyo dhibaato uu la kulmo qof eed galay. nabsi2  Nabsi ku reebid. nabsiyid  eeg nabsi².
nabyo  Been iyo fal aanay samayn oo cid lagu sheego. ld nab.
nac1  Colaad uurka la isugu hayo; nacayb. nac2  1. Rabid la'aan. 2. Is n.: quus iyo rajo la'aan. nacaal  1. Masaabir sal buuran oo xagga hoose lagaga taxo kabaha. 2. Bir qoobabka fardaha lagu dhejiyo.
nacab  1. Cadow; xaasid. 2. Qof aan naxariis lahayn.
nacala-abuugto  Farshiid; dhalo yar.
nacalad1  Caro Eebbe dusha ka saaro cid caasidey. ld lacanad¹, lacnad¹, nacallad¹, nacalle, nacdal¹. nacalad2  1. Caro Eebbe cid caasidey ku dhicid. 2. Cid cay iyo eedayn u jeedin. ld lacanad², lacnad², nacallad², nacdal². nacaladaysan  1. Wax nacalad ku dhacday ahaansho. 2. Wax aad loo ceebeeyay ahaansho. ld lacanadeysan, lacnadeysan, nacalladeysan.
page : 1121 of 1584
<< < 1116 1117 1118 1119 1120 1121 1122 1123 1124 1125 1126 > >>

 

Exit mobile version