Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xarmasho
natarik-asiidh  (kiim.) Hoore midablaawe ah oo bida, oo dharka iyo jidhkaba cuna. Waa asiidh xoog badan.
natiijo  Fal la sameeyo wax ka soo baxa.
nawaaxi  Dhulka ku xeeran hadba meesha laga hadlayo.
nawir1  ld nawirid. nawir2  Wax dhalaalaya ka dhigid (wax). nawirid  eeg nawir². ld nawir¹.
nax  1. Cabsi iyo welwel kedis ah dareemid. 2. U n.: qof wax wanaagsan la jeclaysasho iyadoo laga xanunsanayo dhib haysata.
naxaas  (jool.) Macdan adke ah, dhulka laga qodo, leh midab cagaar ah, dusha lagaga dahaadho xadiidka si uu mirirka uga ilaaliyo, lagana sameeyo qalab badan oo la adeegsado.
naxar  Dab aad u kulul.
naxariis  Dareen raxmadeed oo cid ku dhasha dhib cid kale haysata darteed.
naxariisad  ld naxariisasho.
naxariisasho  eeg naxariiso. ld naxariisad.
naxariiso  U n.: cid naxariis u gelid.
naxas  Maalin ama waqti nuxus ah. ld naxsi².
naxash  (naxash/-shyo, m.dh) ld nacash (2).
naxdin  Dareen cabsi ku jirto oo qof ku dhacda marka uu la kulmo waxyeello aanu filanayn.
naxli  1. Xumaan xaasidnimo ku jirto. 2. ld laxni. 3. Dheecaanka ka soo baxa nabar buka.
naxsan  Wax naxay ahaansho.
naxsanaan  eeg naxsan. ld naxsanaansho.
naxsanaansho  ld naxsanaan.
naxsasho  eeg naxso. ld naxsi¹.
naxsi1  ld naxsasho. naxsi2  ld naxas. naxso  Ka n.: cid naxdin ku abuurid.
naxuus1  ld nuxuus¹. naxuus2  ld nuxuus². naxuusi  ld nuxuusi.
naxuusid  ld nuxuusid.
naxuusin  ld nuxuusin.
naxwe  1. Laan cilmi afeedka ka mid ah oo lagu barto weereynta, dhismaha ereyada iyo codeynta. 2. Hadal si wanaagsan u dhisan oo murti iyo macno leh. 3. Buug xeerarka naxwaha ka hadlaya.
page : 1132 of 1584
<< < 1127 1128 1129 1130 1131 1132 1133 1134 1135 1136 1137 > >>

 

Exit mobile version