noodh ld nood.
noofember Bisha kow iyo tobnaad ee sannadka miilaadiga ah. ld nofembar.
noog1 Dareenka la dareemo awood la'aan, hawl fara badanoo la qabtay iyo socod dheer oo la galay awgood. noog2 Hawl darteed tamar yarayn. noogan Wax noogay ahaansho.
noogid eeg noog².
noognaan eeg noogan. ld noognaansho.
noognaansho ld noognaan.
nooji Cid wax noogay ka dhigid.
noojin eeg nooji.
nool ld nooli.
nool1 Hantida inta aan moodka ahayn; duunyo la leeyahay. nool2 ld noolaan. nool3 1. Wax nafi ku jirto ahaansho. 2. Wax aan dansanayn ahaansho (dab). 3. Ku n.: wax qof noloshiisu ku xirantahay ahaansho. Tus. “Cali wuxuu ku noolyahay mushaharkiisa.” noola-ohis (baay.) Soo saaridda molikiyuullada uu soo saarayo unugga nooli, taas oo lagama maarmaan u ah qaabka dheefsamaynta.
noolaan eeg nool³. ld nool², noolaansho, nooli¹.
noolaansho eeg noolow. ld noolaan.
noolayn eeg noolee. ld noolays.
noolays ld noolayn.
noole Wax kasta oo nool; noolayaashu way koraan, tarmaan iwm.
noole jirro-dhaliye (baay.) Jeermi sida baktiiriyada ku dul noolaada xoolo ama geed ama qof oo cudur u keena.
noole-ure ld nooloo-ure.
noolee 1. Cid gaajo ama harraad hayo cunto ama biyo siin. 2. Wax naf gelin (Eebbe). 3. Arrin horey loo illaaway dib u soo cusboonayn. 4. Dab sii damaya shidid.
nooli Lacagta baabuurta, maraakiibta, iyo dayaaraduhu ka qaataan dadka iyo xamuulka ay rakaabsadaan. ld nool.
nooli1 ld noolaan. nooli2 Cid lacag ay baabur, diyaarad ama markab ku raacdo siin. nooloo-ure Jinac weyn; magangooye. ld noole-ure.
noolow 1. Wax cumri dheer yeeshay noqosho (nafley). 2. Cid barwaaqoobid. 3. Ka n.: wax ka haqab beelid (cid). 4. Ku n.: cid wax kale nolosheedu ku xirantahay noqosho. 5. Ku n.: cid meel deggan noqosho.
noolyid eeg nooli².
nootaayo1 Nin ka shaqaaya xafiiska nootaayada.
page : 1144 of 1584
<< < 1139 1140 1141 1142 1143 1144 1145 1146 1147 1148 1149 > >>