noog
(m.l)

Dareenka la dareemo awood la'aan, hawl fara badanoo la qabtay iyo socod dheer oo la galay awgood.

noog
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)

Hawl darteed tamar yarayn.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh noog

daal
[m.l]

Culayska iyo jiirago'a oogada ku dhaca kolka socod dheer ama hawl adag la qabto; noog.

daal
[m.l]

(daaw.) Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah.

daali
[Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)

1. Qof ama nafley noog ku ridid. 2. Qof wax uu u baahanyahay u raadin.

daallan
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)

Wax noog hayo ahaansho. ld daalan.

in
[Xiriiriye | Conjunction]

1. Eray lagu xiriiriyo weer dhammaystire ah (weer yeele ah, weer layeele ah iwm). Tus. “In uu imaanayaa waa hubaal”, “Waxaan doonayaa in aan tago”, “Magaaladii buu u tegey in uu dawo soo iibsado”. 2. Eray lagu xiriiriyo weer waqtiley, haddii. Tus. “Bal inaan eegi karo aan soo durko”, “Weyddii bal inay fog tahay”. 3. Inta: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Inta aan soo noqonayo”, “Ninku wuu hadlaa intii uu ka noogo”. 4. Waa intaas: malaha, waxaa suuraggal ah in. Tus. “Waa intaasuu yimaadaa ee cunto meel u dhig”.

mannooge
[m.l] (-gayaal, m.l/dh)

Qof aan hawsha ka daalin; maddaale.

noogan
[Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-gnaa, -gnayd)

Wax noogay ahaansho.

noogid
[Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]

eeg noog².

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg