nood
(m.l)

Lacagta inteeda waraaqda ah. ld noodh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh nood

waddo-caanood
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

Waddo isku xirta guriga iyo xerada geela. ld waddo-hunguri.

banood
[Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]

eeg banoo.

buracaanood
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun] (-dyo, m.dh)

(daaw.) Buro aan faafin, halisna ahayn oo jirka nafleyda ka soo baxda.

burocaanood
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

(daaw.) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.

diillincaanood
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

Diillin ballaaran cirka ku dhereran oo ka kooban xiddigo yaryar oo badan.

eynood
[m.l]

ld eynaad.

gabaddanood
[Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]

eeg gabadanoo.

gubnood
[m.l]

Cunta la karinayo inta weelka salkiisa ku dhegta;gugub, qolof.

holac-qabsiinood
[m.l] (-cyo .., m.dh)

(daaw.) Jirrada ama h. q. oo astaanta ugu horreysa ay tahay uur xanuun dhinaca midig ee hoose. Waxaa weheliya, sida badan, matag iyo qandho.

ikaynoodeermaata
[Magac Dheddig ah | Feminine Noun]

(baay.) Faylam wanqaran gacaneed laf dhabarla' ah oo had iyo jeer leh shan fallaadhood oo unugyo badanley ah, kuna nolol degaan badeed. Tusaale ah: kalluun xiddigeed. Faylamkani ma laha madax iyo habdhis dareenwade.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg